Shacabka Somaliland Oo Baafinaya $5 Milyan Oo La Gaadhsiiyey Guddida Covid-19 Iyo Oxygen La,aan Loo Dhimanayo

0
Monday May 25, 2020 - 19:48:28 in News by
  • Visits: 1946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Somaliland Oo Baafinaya $5 Milyan Oo La Gaadhsiiyey Guddida Covid-19 Iyo Oxygen La,aan Loo Dhimanayo

    Shacabka Somaliland Oo Baafinaya $5 Milyan Oo La Gaadhsiiyey Guddida Covid-19 Iyo Oxygen La,aan Loo Dhimanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Somaliland Oo Baafinaya $5 Milyan Oo La Gaadhsiiyey Guddida Covid-19 Iyo Oxygen La,aan Loo Dhimanayo


Hargeysa(HWN):-Alle haw naxariistee waxa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidamada asluubta somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.


Sida ay sheegtay inan uu dhalay marxuun Fooxle, geerida taliyaha ayaa timid ka dib markii uu ku dhacay xanuunka coronavirus isla markaana uu dhakhtarka weyn ee Hargeysa ka waayey Oxygen lagu xidho isaga oo u sugnaa xaalad neef qabatow ah.

Somaliland: Telesom Firm Donates Funds to Covid-19 preparedness ...


Sawda Cabdiraxmaan oo uu dhalay alle haw naxariistee taliye Fooxle ayaa baraha bulshada ku faafisay qoraal ay ku shaacisay in geerida aabaheed ay timid ka dib markii Oxygen loo waayey waxaanaytidhi "Oxygen La,aan ayuu aabahay u qudh baxay.”


Dhinaca kale waxa somaliland ka istaadhmay dareen kacdoon ah oo ay bulshadu kaga soo horjeedo oxygen la,aanta loogu dhimanayo cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyada oo guddida ka hortaga Covid-19 loo gacan galiyey lacag kor u dhaafaysa shan milyan oo doolar.


Sidoo kale shacabka ayaa is waydiinaya halka ay ku dambaysay lacagtii xad dhaafka ahayd ee lagu wareejiyey guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus iyada oo aanay muuqan wax ay ku qabteena.


guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa bulshada somaliland ka dalbanaysaa xisaab celin iyada oo loo soo jeedinayo inay cadeeyaan halka ay mariyeen lacagihii la soo gaadhsiiyey.




Loading...
Loading...