Sh. Aadan Siiro Oo Siilaanyo Ku Ammaanay Kobcinta Dhaqaalaha, Muusana Usoo Jeediyay In Uu Ku Daydo.

0
Monday May 25, 2020 - 18:18:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh. Aadan Siiro Oo Siilaanyo Ku Ammaanay Kobcinta Dhaqaalaha, Muusana Usoo Jeediyay In Uu Ku Daydo.

    Sheekh Aadan Siiro Oo Sheegay In Muuse Biixi Dhaqaalihii Dalka Isku Koobay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aadan Siiro Oo Sheegay In Muuse Biixi Dhaqaalihii Dalka Isku Koobay.

Hargaysa (HWN) Sh. Adan Xaaji Maxamud Xiiray (Aadan Siiro) oo kamid ah culumada waawayn ee Somaliland ayaa sheegay in intii ay dalka maamulaysay xukuumada uu Hogaamiyo Muuse Biixi uu dhaqaalihii dalku khal khalwayn galay.

 

Waxaanu usoo jeediyay Muuse Biixi in uu dhaqaalaha kaga daydo xukuumadii ka horaysay ee uu Hogaaminayay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa khabiir xaga dhaqaalaha aad ugu wanaagsanaa "Dawladii kaa horaysay madaxwayne dhaqaaluhu wuu shaqaynayay, dadkuna rajo ayay ku noolaayeen, waxbaa lakala iibsanayay, dhaqaaluhu sifiican ayuu ushaqaynayay, dhaq-dhaqaaqiisuna wuu wanaagsanaa, laba sababood baana ugu wacnaa In dhaqaalaha  xukuumadaasi ay wanaajiso, waa marka koowaade dad wadatashanaya ayay ahaayeen iyo dad waxayar ee dalku leeyahay laba meelood dadka ku celiya  ayay ahaayeen, meesha xataa ay qaataana dad dalka dib u geliya ayay ahaayeen” ayuu yidhi sheekhu.

 

Sheekha  ayaa intaasi ku daray "Maanta madaxwayne wixiiba aday kugu urureen, waxaanu kuleenahay dadkii way soo ooteene dhaqaalaha fur fur”.

 

Sheekha  ayaa ka digay in dhaqaalaha dalka oo xumaadaa uu sababi karo dhibaatooyin ku yimaad amniga dalka iyo guud ahaanba qaab nololeed ummada Somaliland, waxaanu usoo jeediyay madaxwayne Muuse Biixi inuu ku daydo dawladii Siilaanyo "Haddanad waxba ku soo kordhinayn dhaqaalaha madaxwayne nidaamkii kaa horeeyay raac, hadaanad ogayna dalka waa lagu bakhtiyayaaye cid udiro kuu soo eegta, baahidu haday badatana nabad gelyada ayay waxyeelaysaa, nidaamkan aynu unoolnahay oo dhan ayaa isbedeli haddii baahidu badato” ayuu Sheekhu ku sheegay shir jaraa'id oo uu qabtay.


 

Intii uu xukunka hayay Muuse Biixi ayuu dhaqaalaha Somaliland uu hoos udhac wayni ku yimid sida ay ku doodayaan dadka aqoonta dhaqaalaha lihi, waxaana taasi uraacday shacaka dhibaatada uu sababay xanuunka Covid-19.

 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...