Intii Ay Isugu Keen Darsameen Korona Fayraska Iyo Nisha Ramadan, Waxaa Soo Kordhay Kelmadda ' Caadiga Cusub '.
W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle
Marka laga yimaaddo Ciidamada kala duwan oo qudhoodu si dadban u
wadaaga, waxaa caadi noqotay in aan la isi salaamin iyo kelinimadda oo
saamayn weyn ku yeelatay Shaqaalaha iyo ardayda oo ah inta badan Dal
kasta.
Waxaa caadi noqotay in Tikmoolojiga la miciinsado, wax badana uu
fududeeyey, sida in ardayga iyo macalinku ku xidhiidhaan, in dowladdu ku
xisaabtanto iyo in guriga lagu shaqeeyo iyadoo aan loo baahnayn
horjooge Isha kugu haya,
Tiknoolojigu wuxuu inoo fududeeyey wax aan la soo koobi karin, inaga
oo ka fog, markay ardaydu wax baranayaan, waxaa inoo sahlanaatey in aynu
ogaano, in Manhajka Somaliland yahay A level, halka ardaydayadii hore
ka noqonayno O level, gaarna waxaa u dareemi kara inta khibraddaa leh.
Waxaa xaqiiq ah in Kimisteriga iyo Xisaanta ama Sayniskuba ay heerka
sare ee sanadka hore Jaamacadaha lagu qaato ay yihiin, gaar ahaan
Tiriginoomateriga, Calculasta iyo Organic Kimisteriga.
Waxaa Bogaadin inaga mudan Macalimiinta oo ay dad badani tayadooda
suqa yaraysan jireen. Waxaa amaantaa mucdeeda leh shirkadaha is
gaadhsiinta, Tvga Qaranka iyo Sahan TV, kuwii iyaguna ina madadaaliyey,
Qarankana qurxiyey sida Astaan TV iyo Universal TV.
Mar haddii dadkii Qaadka u xidhnaa saamaxaad Madaxweyne lagu sii
daayey, qoysasna ku waxyeeloobeen, qaarna ku burbureen. Waxaa habboonayd
arrinta gaadiidka lala wareegey mar haddaan la xaraashin, in Jananku
arrintaa si qabow oo aan degdeg lahayn u dabo galo, iminkana haraggoodii
intuu ku celiyo qashinkooda ha u soo celiyo iimaan laawayaasha sharci
jebinta ku kacay. Waa haduu doono.
Madaxdayadu way ogtahay in aanu jirin nin Sacad yoonis la yidhaahdo oo
colaad hurinayaa. Halka loo marayo nabada waynu wada garanaynaa ee
xaska ka soo horeeya ha laga guro. Maxamed iyo Maxamuud hala kala dabro,
Buur madow iyo Siciid Yuusufna hala dhex galo, iyadoo loo marayo
Raggeedii la dayriyey.
Waxaan Tacsiyadaynayaa Qoysaskii, Qaraabadii iyo Qarankeena ay ka
baxeen Muj Xasan Guure, Aqoonyahan Ibraahin Barre, Aqoonyahan Cabdi
Cabdillaahi iyo Ganaraal Fooxle. Illahay Janadiisa ayaynu uga baryaynaa
Boqorka.
Ciid Wanaagsan dadkaygoow.
Bashiir Tarabbi Oogle,
London, England.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...