Waa La Og Yahay Dhibaatada Dawlada Federalka Ahi Ka Wado Somaliland

0
Monday May 25, 2020 - 13:03:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa La Og Yahay Dhibaatada Dawlada Federalka Ahi Ka Wado Somaliland

    W/Q: M J Farah innovative educator

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M J Farah innovative educator

Wax qarsoon ma aha dhibaatada dawlada federalka ahi kawado gudaha Somaliland, oo ay ku doonayso iney ku mijo xaabiso nabada iyo wada noolaansha, sida aan xogogaal u nahay siyaasiin badan oo bulshada caalamka ka tirsani way la socdaan,sida ay wax u socdaan balse waxaa aad moodaa in dhinaca Somaliland ay ka jirto il duuf, iyo dabagal,baadhitaan lagula soconayo falalka dawlada farmaajo ee ku aadan khalkhal gelinta degenaashaha iyo jiritaanka Somaliland sidaa darteed waxaa la gudboon dawlada Somaliland in ay isha ku hayso ficilada lagu khadburayo nabada,walaalnimada dadka reer Somaliland ee layskaga horkeenayo,arintaa waa in dawlada Somaliland ka foojignaataa si dhawno ula socotaa macluumaadkana la wadaagtaa dawladaha Somaliland la saaxiibka ah,golaha amaanka UN, iyo UN ta laftigeeda,ururka AU, Mareykanka, UK iyo Midgowga yurub.



Dhaqaalaha lagu Caawiyo Somaliya waxaa ay uga faa’iideysataa mijo xaabinta iyo qalaalasaha Somaliland iyo qaar ka mida Dawlad goboleed yada federalka Somaliya.


Warka uu Madaxweynaha Dawlad goboleedka Somaliya ee Puntland mudane Siciid Cabdilahi Deni uu ku bixiyey wareysiga uu siiyey BBC da eek u saabsan in dawlada federalka ahi ku hawlan tahay arimo nabada Qatar ku ah oo ay ka wado gudaha Somaliland waa war ay siweyn wax uga jiraan oo horeba loo ogaa balse khatarteedu waa mid imika soo gaadhey heer ka halis badan meeshii hore.



Dawlada Somaliland waxaa aan kula talinayaa in ay dacwad ka dhana dawlada federalka ah ee Somaliya gaar ahaan Xukuumada uu hogaamiyo farmaajo u gudbiso Golaha Amaanka ee qaramada midoobey,masuuliyada dagaalo ka dhaca Somaliland gudaheeda in uu masuuliyadeed aaney cidi la wadaagin Madaxweynaha Somaliya iyo xukuumadiisa.

 

Waad Mahadsan-tihiin

M J Farah  innovative  educator

Source: hogaanka.org

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...