Daalimiinta Daalimbaa Madax U Noqda.

0
Monday May 25, 2020 - 11:18:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daalimiinta Daalimbaa Madax U Noqda.

    Alle subaxaana watacaala Marku ka Hadlayay fircoon wuxu Yidhi "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle subaxaana watacaala Marku ka Hadlayay fircoon wuxu Yidhi "

wuu Baqa Galiyay Tolkiisa,  kadibna Way Adeeceen,  Waxay ahaayeen Qolo Daacada Ilaahay ka Baxday .. "

 

Fircawn Xumaanta waxa Ku Adeecay Tolkiis,  waayo Iyagaa Xumaa ..  Hadaanay Xumayn Kumay Adeeceen,  Sida Awgeed Ilaahay Faasiqiin ayu ku Tilmaamay intaanu Fircawn Xukumin ..

Masuuliyaduna waxay ka Bilaabantaa Naftaada, 

 

Ehelkaaga Qofka taa Dayacay Midkalana hAgaajin Maayo ..

Nin Khaariji ah Ayaa Uyimi Cali Bin Abii Daalib wuxu ku Yidhi

" Maxay Dadku kuu Dhagaysan laayihiin ee Ay Usamaynayaan Dagaalada iyo Rabashda siday Udhigaysan Jireen ee U Maqli Jireen Abiibakar Iyo Cumar ?

 

Cali wuxu Ku Yidhi   " Abiibakar Iyo Cumar waxay Haysteen Rag Anoo kale ah ,  Ana Waxaan Haystaa Rag Adoo kale ah .. "

Yacni Dad Wanaagsan ayay Utalinayeen,  Aniguna Dad Xun oo Adoo kale ah Ayaan Utaliyaa,  Markaa Sidii Abiibakar oo Kale ma Noqonayo inta Idinkuna aydaan Ahayn Ragii lajoogay .. ..

 

Boqorkii Cabdilmalik Bin Marwaan ayaa Wuxu Maqlay in la Xamanayo oo laleeyahay Waa Dawlad Xun oo Musuq Badan ,  Wuxu Soo Ururiyay  Madaxdii iyo Ashraaftii Magaalada,  wuxu ku Yidhi Hadal Cad

" Waxaad Doonaysan Inaan Idin Noqdo Abiibakar iyo Cumar oo kale ,  Noqda Ragii Abiibakar aan Idin Noqdo Abiibakar oo kale .. Waayo Sidaad Tihiin ayaa Madax laygagakiin Dhigayaa ... "

Yacni Anigu Idinkaan Idin Turjumayaa Xumaan iyo Wanaagba ...

 

Taabiciga Qiimaha Badan ee Xasanal Basri,  Ayaa wuxu Arkay Mid Habaaraya Xajaaj oo Dad badan Laayay, Iskadaa wax Kale Kacbada Madaafiic la Dhacay,  Culimadiina Laayay oo Caalimkii Waynaa ee  Subayr  Daldalay ... .



 Markasu Yidhi Xasan, 

" Ha Habaarin,  waayo Idinkuu Idinkasoo Baxay Xajaaj,  Walaahi Waxan Ka Baqayaa Hadii Xajaaj Tago ama la Casilo in Madax laydinkaga Dhigo Daanyeerada Iyo Doofaarada ..".

Yacni wuxu Tilmaamaya in Xajaaj Yahay Camalkoodii oo Madax Looga Dhigay ..

Dadkii Wanaagsana ee Hore waxay Odhan Jireen,  Shaqaalihina Iyo Madaxdiina waa Camalkiinii,  Sidaad Tihiin ayay Idinku Shaqaynayaan ..

 

Hadaba halkeebay saladu ka xidhmiladahay maxa hogaamiyihi

Inaga xumeeyay!?

 

Jawaabta meel dheer ma jirto waxa xun shacabka waayo hogaamiyuhu iyagu ka yimada bulshadi fican ayaa hogaamiye fican hesha

 

Bulshadeenu waxay xil u dhiibtay keegi bulshada ugu liitay markan leeyahay wuu liita kama hadlaayo aqoontisa waayo aqoonta la barto iyo hogaanimadu maha laba isku mida


Bulshadu waxay u dhibatay xil mid kamadhan wadaninimo cadaalad, aanu ku oolin jidh naxay oo ku sifoobay dan gaara iyo mid qoyis oo boobay hantidi ka dhaxayisay umada si arxan dara

  

Hogaamiyaha hada ina mamula iyo kuwa soo socda ee doonaya inay umada khiyaaman oo ay hogaanka dalka gacanta ku dhigaan labaduba isma dhamaan wayo bulsho xunbay ka yimadeen kuwa soo socdaana kuwi hore ayey lamid yihin hadayina kaba darnayin

 

Wayo hogaanka hada dalka mamula qabyaladbaa lugu doortay waxana qabyalad ku doortay bulshada

Waa halkaa meeshay bulshada iyo madaxdeeduba ka xumadeen


Haddi madaxda mabaadi iyo afkaar lugu dooran laha oo la helilaha bulsho wanagsan oo madaxda ku doorta qorshe siyasadeed oo wanagsan oo dalka lugu horemariyo waxa la heli laha hogaamiye wanagsan oo cadald u sameeya


 bulshada, hantideeda gaarkana u ilaaliya

 

Waxan qoraalkayiga ku soo koobay

dalki waa inaga xanuusaanaya dawadisuna waa hogaamiye aan qabyalad lugu dooran si loo helo dal iyo umad cafimaad qabta

 

WQ: Axmed Al Haashimi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...