Madaxweyne Raaligelin Ka Bixiyay Amar Uu Jabiyay

0
Monday May 25, 2020 - 11:14:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Raaligelin Ka Bixiyay Amar Uu Jabiyay

    "Aad ayaan uga xumahay. Khalad ayey ahayd,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aad ayaan uga xumahay. Khalad ayey ahayd,"

Madaxweynaha dalka Austria Alexander Van der Bellen, ayaa raaligelin bixiyay kaddib markii uu jabiyay mid ka mid ah sharciyada lagula tacaalayo faafidda cudurka coronavirus.




 

Maqaayad ku taala caasimadda Vienna ayuu madaxweynaha ka cashaynayay halkaas oo uu ku daahay, balse wuxuu bar maray tallaabooyinka iyo sharciyada bandawga ee ka jira dalkaas.

 

Mr Van der Bellen, oo 76 sano jir ah ayaa sheegay in intii uu la sheekaysanaayay asxaabtii goobta kula sugnayd uu hilmaamay inuu eego saacadda.

 

"Aad ayaan uga xumahay. Khalad ayey ahayd,” Ayuu yiri.

 

"Waa markii ugu horreysay ee aan baxo intuu uu bandawga jiray, saacadda inta ay tahayna ma eegin oo waan hilmaamay". Sidaas ayuu bartiisa twitter-ka ku qoray.

 

Madaxweynaha oo xilli saqda dhexe ah fadhiyay bannaanka maqaayadda ayaa waxa halkaas kula kulmay booliska, sida ay warbaahinta dalkaas shaacisay.

 

Balse dowladda ayaa dhawaan soo saartay sharciyo maqaayadaha dib loogu furayo, waxaana la amray inay u hoggaansamaan tallaabooyinka lagula tacaalayo fayraska corona.

 

Maqaayaddaasi ayaa laga yaabaa in loo ganaaxo sharciga ay jebisay, balse madaxweynaha ayaa sheegay inuu "qaadanayo mas'uuliyadda" waa haddii milkiilaha goobtaasi ay khasaaro kasoo gaarto dhacdadaasi.

 

Austria ayaa kamid ah dalalkii ugu horreeyay Yurub ee raaca bandowga uu Talyaaniga dalkiisa kusoo rogay si loo xakameeyo faafidda Fayraska, sido kalena waxa uu dalkaasi kamid yahay kuwa ugu horreeyay ee khafiifiya xannibaada

 

BBC

Loading...
Loading...