Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)

0
Monday May 25, 2020 - 09:53:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)

    Tacsi Madaxweyne: 25/05/2020 Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tacsi Madaxweyne: 25/05/2020 Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee General Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.



Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid hawlkar ah oo qaranka tacab badan geliyey, aqoon dheeraadana u lahaa hab-maamulka ciidamada, kana mid ahaa saraakiishii qaybta weyn ka qaatay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo uu markii danbena ka soo qabtay xilal kala duwan, intaanu uga wareegin ciidanka booliska oo uu ka gaadhay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo uu muddo dheer ahaa, balse sannadkii 2019kii ayaa mar kale loo bedelay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu ilaa hadda ahaa.


Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dhiidhiyey kana dagaalamay xasuuqii Keligii taliyihii macagaga ahaa ee Siyaad Barre sideetamaadkii ku hayey shacbiga Somaliland oo uu ka talaabay isagoo ah gashaanle sare kuna biiray ciidankii SNM ee dhaliyey dib ula soo noqoshadii xornimada madax-bannaanida Somaliland.


Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...