'' C/raxmaan Liibaan , Nabadgelyo ''.

0
Monday May 25, 2020 - 09:29:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' C/raxmaan Liibaan , Nabadgelyo ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje



 

Gen C/raxmaan liibaan oo ku magac dheeraa fooxle waxay saaxiib ahaayeen aabahay oo ay ku wada jireen dugsigii sarre ee first july, waxa kale oo ay saaxiib ahaayeen abtigay oo macalin ugu ahaa kuliyadii ciidamadda ee jaalle siyaad oo uu ahaa lodkii koobaad ee ka aflaxay , ka dibna wuxuu aqoon sarre kusoo qaatay wadamadda masar iyo ciraaq .

 

Marxuumku wuxuu ka tirsanaan jirey ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed , waxaanu ka gaadhay hogaankii sahanka ee qaybta 21aad ee taliska dhuusa-mareeb , waxaana laggu xasuustaa diyaarad uu caan ku ahaa oo ku kormeeri jirey xuduudka soomaaliya iyo itoobiya .

 

Marxuumku wuxuu kusoo biiray snm 1989 , waxaanu ka mid ahaa sarakiishii snm ee halganka qaybihisa danbe soo gaahay doorka fiicana ka qaadatay .

 

Dhinaca Somaliland wuxuu soo noqday taliyaha booliska ee qaybta togdheer , taliye xigeenka booliska iyo ugu dambayn taliye xigeenka ciidamadda asluubta ,waxaana laggu xasuustaa in uu ahaa nin degen oo dulqaad badan , una dulqaatay in uu danta guud awgeed marar badan ka hoos shaqeeyo saraakiil uu shaqadda uga horeeyey ugana aqoon badanaa .

 

Naxariistii janno alle ha siiyo , dhamaanteena samir iyo iimaan alle ha inaga siiyo , inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...