Bal Malee! Badbaadinta Hal Milyan oo Nafood. W/Q: Mustafe Maxamuud Mire

0
Monday May 25, 2020 - 09:17:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bal Malee! Badbaadinta Hal Milyan oo Nafood. W/Q: Mustafe Maxamuud Mire

    Maaraynta masiibooyinku waa mid kamid ah barnaamijyada ugu waawayn ee dawaladuhu ku tartamaan xilligan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maaraynta masiibooyinku waa mid kamid ah barnaamijyada ugu waawayn ee dawaladuhu ku tartamaan xilligan.
Masiibo dabiici ah iyo tu dad samee ahba. Dunida iyo dalalku, guud ahaan ba way ku kala badan yihiin noocyada masiibo ee ay dariska la yihiin. Masiibooyinka dabiiciga ah sida; dhulgariirka, daadadka, duufaanta iyo abaaruhu waxay aad ugu badan yihiin dalalka eeshiya oo dadkoodu aad u nugul yihiin. Hindiya, Bangladhesh, Jabbaan, shiinaha, Myanmar iyo Neebaal.

 

Jabbaan waxa sannadkii ka dhaca wax ku dhaw 10,000 oo dhulgariir. Waxa ay ka dhigan tahay in bishiiba ay ka dhacaan 800 oo dhulgariir, halka maalintii 25 dhulgariir haleelaan dalkaasi. Maarayn ayay kula nool yihiin masiibooyinkaas. Jabbaan waa dalalka tusaalaha u ah maaraynta masiibooyinka, calankana iyagaa u sida barnaamijyada ugu caansan ee adduunku ugu maara raadinaayo masiibooyinka ay la nool yihiin.

 

Bangladhesh waxay kamid tahay dawaldaha ugu nugul adduunka ee ay masiibooyinka dabiiciga ahi ku hareeraysan yihiin. Waa waddan aad u dad badan. tiradooda waxa lagu qiyaasaa boqol iyo lixdan milyan, halka dhulkooduna ka yar yahay badka dhulka somaliland. Waxa ka dhaca inta nooc ee masiibo dabiici ah dunida ka jirta iyo qaar yaga u gaaraba; daadad, duufaan, dhulgariir, abaaro iyo dab. Bulsho aad u badan ayaa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah ee sannad walba dalkaa ka dhaca. Tiro badan ayay laayaan, qaar kalena dhib wayn ayay gaadhsiiyaan  masiibooyinkani.

 

1970-kii waxa gobolada xeebaha ee bangladhesh si ba’an u haleeshay duufaan masiibo ahayd oo wax wayn ka beddeshay sidii ay masiibooyinka dabiiciga ah ula noolaayeen dadkani. Waxay duufaantu dishay dad kor u dhaafaya hal milyan oo qof oo Bangladheshi ah. Waxa gaaadhay dadka iyo dalkaba jab aad u wayn oo ay xasuustaan. Waxay u noqotay barwareeg lagu xasuusto baraarugga maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah. Saddex sano kaddib masiibadii haleeshay, wuxuu madaxwaynihii dalku aasaasay "Barnaamijka Diyaargarawga Duufaanta” (Cyclone preparedness Program, CPP), markii u horraysay abid.  Sannado kale oo badan waxa dalka haleeshay duufaan xoog leh balse mar walba diyaargarawga ayaa horumar wanaagsan laga gaadhaayay. Waxa aad loo yareeyay tirada dhimashada ee duufaantu sababto. Sannadkii 1991-kii ayaa mar kale tiradii ugu badnayd duufantu sahayatay, dad lagu qiyaasay boqol iyo konton kun oo qof ayay sannadkaana la tagtay.

 

 

 

Sannad kasta way dhacdaa duufaantu balse diyaargarawga barnaamijkaas dawaladdu samaysay, wax aad u badan ayuu ka taray badbaadada dadka reer Bangladhesh. Saddexdii sano ee u danbeeyay oo dhammaantood ba duufaantu haleeshay dalka, tirada dadka ay sahayatay waxay kala ahaayeen; 6, 6 iyo 9 qof. Bal qiyaas konton sano ka hor duufaantii sahayatay nafaha hal milyan oo qof, waxay sannadkii la soo dhaafay dishay sagaal qof oo kaliya, cabbirka awoodda iyo xawaaraha dabayshuna waa isku mid uun. Dedaal wayn ayay muujiyeen dadka hoggaamiya barnaamijka diyaargarawga duufaantu. Ammaan badan ayuu dalka Bangladhesh kaga helay caalamka iyo ha’adaha daneeya maaraynta masiibooyinka ee dunida oo dhan.

 

Barnaamijka diyaargarawga duufaantu waxa uu leeyahay in ka badan lixdan kun oo dirane (Volunteers) oo dhallinyaro u badan. Diraneyaashu waa wadnaha barnaamijkan. Wax ku dhaw labaatan kun oo haween ah ayaa kamid ah diraneyaasha. Shan kun oo ka sii mid ah ayaa loo yaqaanaa direnayaasha deg-degga ah, kuwani waxa ay ka hawl geli karaan dhul aan deegaankooda ahayn iyagoon waxba dawladda uga baahnayn. Qaabka ay isugu xidhan yihiin, sida ay xalalka ku habboon bulshadooda u abuuraan iyo dareenkooda badbaadineed ee waddaninnimadu hagto ayaa ku yaab gelinaya. Waxay horumar yaab le ka gaadheen nidaamka digniinta ee goorta hore (Early warning system), oo ah hal bowlaha shaqadooda. Tallaabada digniinta labaysaa waa diyaargaraw iyo in bulshada la badbaadiyo.

 

Dawladdu waxay samaysay ha’ado dawli ah oo dhawra kana shaqeeya maaraynta masiibooyinka. Sida wasaaradda Maaraynta Masiibooyinka iyo Gargaarka, Waaxda Maaraynta Masiibooyinka, Adeegga dabka iyo difaaca bulshada ee Bangladhesh iyo Barnaamijka Diyaargarawga Duufaanta, oo dhammaantooda ka shaqeeya maaraynta masiibooyinka. Dhammaan ha’adahan waxa ka go’an sidii ay u maarayn lahaayeen masiibooyinka haleela bulshadooda oo ay guulo la taaban karo ka gaadheen xilligan.

    

 

 

Afrika inteeda badan waxa haleela masiibooyin dad samee ah. Dagaallo dhexmara dawaldaha, jabhado iyo ururro argagixiso ayaa ah masiibada ugu wayn ee galaafta nafo badan oo qiimo leh, sidoo kalena khasaare dhaqaale iyo burbur bulsho ka abuura qaaraddan dibudhacsan, ee gaajada lagu xasuusto.

 

Dhulka Soomaalidu degtaa maaha aagagga masiibooyinka dabiiciga ah caanka ku ah. Badanaa abaaro ayaa si joogto ah innoogu soo laabta sannad kasta ama labadii sanaba mar. abaaraha ugu magacyada waawayni waxay dhacayeen  toddobaatankii sano ee la soo dhaafay. Siigo case, baaha iyo dabadheer ayaa aad u caan baxay soomaalida dhexdeeda. Abaaruhu waxay halakeeyaan nafo iyo maal ba. Inkasta oo muddo badan bulshada soomaalidu dawlad la’aan ahayd, taana loo aanayn karo, haddana weli lama maarayn dhibaatooyinka abaaruhu bulshadeenna gaadhsiiyaan. Waxay caddayn u noqon kartaa sida aynu u nahay bulsho aan isku xidhnayn oo aan ka wada hawl geli karin maaraynta masiibo la deris noqotay oo sannado badan dhibaatooyin gaadhsiisay. 

 

Daadadka iyo dabaylaha ayaa iyaguna saamayn ku yeesha deegaamo kamid ah dhulka soomaalidu degto. Gargaar la gaadhsiiyo mooyiye weli maarayn looma hayo dhibaatooyinkaa xalka leh.

 

Haddii aynu ku eegno indho isbarbardhig dhulka soomaalida iyo bangladhesh, waa wax aad u kala fog. Dhibaatada masiibooyinku inoo gaystaan, si aad u fudud ayaa looga gaashaaman karaa, loona yarayn karaa khasaarahooda. Balse aaway garashadaas dayaca lagaga baaqsan karaa?

 

W/Q: Mustafe Maxamuud Mire

Email: [email protected].

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...