"Ciidamadu Dhex Uma Aha Xisbiyada Qaranka Ee Siyaasada"…Xisbiga Waddani

0
Wednesday April 10, 2019 - 19:08:00 in News by
  • Visits: 1894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciidamadu Dhex Uma Aha Xisbiyada Qaranka Ee Siyaasada"…Xisbiga Waddani

    "Ciidamadu Dhex Uma Aha Xisbiyada Qaranka Ee Siyaasada"…Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidamadu Dhex Uma Aha Xisbiyada Qaranka Ee Siyaasada"…Xisbiga Waddani


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukuumada ku eedeeyey inay siyaasada galisay ciidamadii kala duwanaa ee somaliland.




Gudoomiyaha guddida anshaxa ee xisbiga Wadani Cali Axmed Cantar ayaa ka hadlay dhacdo ku saabsan dirays loo keenay ciidanka ilaalada ee gudoomiye Cirro kaas oo buuq ka dhashay waxaanu yidhi "Waad ogaydeen maalin dhawayd in gaadhi gudoomiyaha Waddani leeyahay oo ilaaladiisii saaran tahay ayaa magaalada dhexdeeda laga jiitay iyada oo ay saaran yihiin 14 midh oo dirays ah oo ay ilaalada gudoomiyuhu leeyihiin ay saaran yihiin, waxa dhacday in ninkii warqada milatariga na siiyey ee hogaanka ahaa la eryey, wixii lagu eryeyna iyaga ayaa garanaya laakiin markii dambe agaasimaha wasaarada maaliyaduna waxa uu na siiyey warqad cashuur dhaaf ah ee isagana hala eryo, waxaanad moodaa innalagu wado dagaal aanaan garanayn.”ayuu yidhi gudoomiye Cali Cantar oo la hadlay hctv.


Sidoo kale waxa uu la yaab ku tilmaamay in afhayeenka ciidanka qaranka somaliland uu u jawaabo xisbiga Waddani oo ka hadlay dhacdadii lagula wareegay dirayskii iyo gaadhigii gudoomiye Cirro "Waxa dhacday in nin afhayeen ah oo ciidanka xooga dalka somaliland ah uu nala hadlay oo uu anaga noo jawaabayey, waana nasiib daro aad u weyn in nin ciidankii qaranka ah uu afhayeen ahaan noogu jawaabo, anaguna cadaw ma nihin oo waxaanu iswaydiinaynaa goormaad noqoteen dagaal oogayaal, mana aha inuu noo jawaabo anaga oo xisbi ah, ciidana inaanu isku nimaadno maaha, xisbi xaakimka waxaanu leenahay xisbigii hanti wadaaga kacaanka soomaaliyeed haka dhigina dalka ee cid waliba waxay doonto galaysay, ciidamaduna way ka madax banaan yihiin siyaasada, waxaanu ogayn iyada oo ciidamo boolis ahi jeeni qaaran yihiin shirweynihii Kulmiye taas oo nasiib daro weyn ahayd, maantana milatarigii ayaa noo jawaabaya anaga oo shacab ah iyaga oo noo dhaxeeya anaga iyo Kulmiye-ba waxaanad moodaa inay dhinac raacayaan, xukuumada Kulmiye-na waxaan leeyahay ka saara ciidamada siyaasada.”


Gudoomiyaha guddida anshaxa ee xisbiga Waddani Cali Cantar oo intaas raaciyey "Kuwa guriga ilaalinayaa way wanaagsan yihiin oo dhex, qaar kale oo badana waa dhex, arin ayaa na dhexmaray anaga iyo wasaarada maaliyada, dirays ayaa meesha lagu arkay cidii afhayeenka u ahayd inay cadawga dibada ka soo duula ka hadasho inay maanta u jawaabto Waddani maaha.”


Sidoo kale waxa uu ka waramay dirayskii ay xukuumadu la wareegtay ee ilaalada gudoomiye ciro loogu tala galay "Diraysku waa 14 qof mana aha boqolaal oo ciidamo ma lihin laakiin ilaalada gudoomiyaha oo kaliya ayaana loo keenay nin muwaadin ah ayaana is xilqaamay oo yidhi tuuto ayaan idiin soo dirayaa, tuutahana hadii la doonayo Cali Warancade ayaa dukaan uu leeyahay oo halkana ku iibiya ee halaga xidho.”


Hadhwanaagnews.com
Loading...
Loading...