Soomaalida iyo Beenta. W/Q:Cabdirisaaq Darwiish.

0
Monday May 25, 2020 - 09:00:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida iyo Beenta. W/Q:Cabdirisaaq Darwiish.

    "Hadaba maah-maahyadaa saddexleyda ah waxaa iyana kamid ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadaba maah-maahyadaa saddexleyda ah waxaa iyana kamid ah"

Beentu waxay kamid tahay dhaqanada damiinimada ah ee aan ku dhex amaanayn bulshooyinka dunida ku nool gees ay noqotaba.

 

soomalida oo ah dadka ugu xikmada iyo suugaanta iyo afka hodansan umadaha dunida eebe ku abuuray, kuna uumay Geeska afrikaad waxay ka leedahay suugaan, maahmaahyo, murti, Hawraaro, iyo Heeso daraaba ama fogeeya sheegida iyo ka caado dhigashada beenta kuwaas oo ay ugu mudan yihiin uguna foolaadsan yihiin maah-maahyadan:

 

-Been fakatay runi ma gaadho

-beentaada hore runtaada dambe ayey dishaa

-Beeni raad ma leh

-Been waa lagu dhargaa lagumase rakaado

-Nin run diiday been baa u keydsan.

 

 

sidoo kale waxa jira maah-maahyo sadexley ah kuwaas oo tilmaamaya ayaan darada beenta iyo sida aanu qofkii lagu bartaa aanu bulshadaa qiimi ugu lahayn.

 

Ragii somaliyeed ee hore  waxa ay ahaayeen kuwa tixgaliya dadka runta iyo daacadnimada lagu majeerto sidoo kalena daraaba kuwa been hawaaska lagu yaqaano.

Hadaba maah-maahyadaa saddexleyda ah waxaa iyana kamid ah:

 

sadex baa rag u daran:

-Run ma yaqaan

-Rabi ma yaqaan

-Rag ma yaqaan.

 

Sadex baa dadku kugu nacaa:

-baryo badan

-been badan

-bukaan badan

marar kalena waxay yidhaahdaan baahi badan.

 

Marka aynu xaga diinta islaamka ka istaagno beentu waxay kamid tahay tilmaamaha lagu garto kuwo munaafaqiinta ah ee eebe weyne naarta gunteeda u yaboohay.

Beentu waxay qofka ku hogaamisaa dambiga cidhibteeda dambena waa deganaan la'aan aduun iyo aakhiraba sidaa awgeed ayaan arkaynaa aayado badan iyo axaadiis nebi oo si dhaba u daraabaya joojinta dhaqankaa xun.

 

xadiis nabigeena ka sugnaaday ayaa ahaa:

انالصدق يهدي الي البر وان البر يهذي الي الجنه وان الرجل ليصذق ويتحري الصذق حتي يكتب عند الله صذيقا .

wuxu yidhi nabigeenu (Runtu waxay qofka ku hagtaa samaha iyo wanaaga, wanaaguna wuxu qofku ku hanuuniyaa Janada, Hadii qofku run sheego oo uu ku dedaalo sheegista runta ilaa xaga ilaahay qofkaa laga qoro Run badane).

 

Halkaas waxa ka cad in runta ay tahay dariiqii janada lagu gali lahaa sidoo kale beentuna ay tahay wado dhuxusha naarta.

 

Caai'sha hooyadii mu'miniinta ilaahay raali ha ka ahaadee waxa ay warisay "muu jirin dhaqan uu nabigu ka necbaa beenta" ماكان خلق ابغص الي رسول الله صلي الله عليه وسلم من الكذب ).

 

Nabigeena muxamed N.N.K.H wuxu riyo ku arkay cadaabka iyo cuquubada beenaalaha, riyada nabiguna waa waxyi

wuxu arkay nabigu iyadoo qof laba malag ay bir xadiid ku jeexayaan afkiisa ilaa ay gaadhsiiyaan qawlalada, marku mid dhameeyo ayaa kii kale sidiisii kusoo noqdaa sidaana waxa lagu ciqaabayaa qofkasta oo beenaale ah.

 

Hadaba maxaa keenaya in gabalkii dhaca iyo waagii beryaba aan maqalno been aan xad lahayn oo ay nagu akhriyayaan kuwo xilka loo igmaday? ma waxay ka dhago la'yihiin dandarada u dambaysa beenaalaha iyo foolxumada loo yaboohay?

 

ma warmoogbaa? mise way ka badheedheen? iyaga garanaye waa maxay ayaan darada haysta soomali oo ay had iyo jeer ugu nugul yihiin dhegaysiga beenta inaa leeg oo marwalba iyagoo ku laabqaboob ay u baxaan?.

 

 

 

waxa iga dhaadhici sida dal dhan 29sano been loogu dhaqayo walina diyaar loo yahay in qarniyo kale lagu sii noolaado.

 

 

paul joseph Goebbels wuxu ahaa wasiirkii naasigii Hitlar u qaabilsanaa been abuurka iyo porobogaandhada waxaa laga hayaa beenta ku celceli waxay isku bedeli rune.

 

waxaad moodaa in dadka somaliyeed sidii been loogu sheegayey ay qabatimeen dulqaad dheeraadana ay u yeesheen dhagaysiga beenta. 

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...