Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso Somaliland

0
Monday May 25, 2020 - 06:26:03 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso Somaliland

    Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka inay colaad ka hurineyso Somaliland

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.


Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u "wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya".

Deni ayaa eedeyntani jeediyay mar uu wareysi siinayay telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC-da. ''Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan", ayuu yiri Deni.
madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Mar BBC-du ay madaxweyne Dani weydiisay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yiri, ''Waxaa ka mid ah oonu ognahay in iney gacan dhaafto maamulka Somaliland oo ay qabaa'ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda{Somaliland}"

Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay "wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha".

Deni wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiya waxa ay qorshayaashaasi yihiin. Muran dhuleed ayaa u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. ''Inaga ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalka laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

Khilaafka

Waan isku daynay in aan jawaab ka helna dowladda federaalka oo ku aadan eedeyntani, balse wali inooma suraglin. Khilaaf xooggan ayaa u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo ku aadan arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka ,amniga qeybsiga kheyraadka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay hagaajiyaan xiriirkooda kana wada shaqeeyaan hagaajinta amniga iyo dardargelinta qabsoomidda doorasho kalsooni lagu qabi kara oo aan daba marin xilligii loogu talagalay.

Wada-hadallada

Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhawaan sheegay in Somaliland ay cadow u aragta dowladda federaalka ee Soomaaliya. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka jeediyay sannad guurada 18-ka May oo ku beegan xilligii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya, isla markaana tahay dal madax bannaan.
Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi

Deni iyo Xaaf ma iska war qabaan?

''Xamar waxaanu u aragnaa cadaw sababtoo ah waxa ay diidan tahay qaranimadeena''. Waxa uu sheegay in mar walba mowqifkooda yahay mid cad oo ay iyaga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo deris ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah gobollada Soomaaliya, iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay tacaddiiyadii uu xukunkii Maxamed Siyaad Barre ka geystay waqooyiga.

Waxaa jiray in wadahallada u dhexeeya labada dhinac oo sanadihii dhawaa ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Jibuuti. Wadahadallaadaasi ayaa hakad ku yimid dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyo labada dhinac uu mdiba kan kale ku eedeynaya dib u dhaca wadahadallada.

Ra''isal wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed ayaa bishii Febraayo magaalada Addis Ababa ku kulansiiyay Famraajo iyo Biixi. Wax faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin waxa ay ka wada hadleen. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay sii wadaan wada-hadallada.

Xigasho:-BBC-Somali

Loading...
Loading...