Trump oo kala hadlay Erdogan in la dejiyo xiisadda Libya

0
Monday May 25, 2020 - 05:37:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo kala hadlay Erdogan in la dejiyo xiisadda Libya

    Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda colaadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda colaadeed

Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda colaadeed ee Libya, mar uu Sabtidii khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkey Tayyip Erdogan, sidaasna waxaa xaqiijiyay Aqalka Cad.


Afhayeenka Aqalka Cad, Judd Deere, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri "Madaxweyne Trump wuxuu mar kale hoosta ka xarriiqay walaaca ah in faragelinta shisheeyaha ee Libya ay xaaladda uga sii dareyso, iyo baahida loo qabo in si deg deg ah loo qaboojiyo xiisadda.”

Ankara ayaa sheegtay in xulafada NATO ay ogolaadeen in ay sii wadaan xasilloonida bariga badda Mediterranean, oo ay ku jirto Syria, iyadoo afhayeen u hadlay Madaxweyne Erdogan uu sheegay in beesha caalamku ay tahay in ay Turkey ku garab istaagto dagaalka Libya.


Turkey ayaa taageerta dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee GNA fadhigeeduna yahay caasimadda Tripoli, taasi oo toddobaadyadii la soo dhaafay hormar ballaaran oo ciidan ka sameysay dagaalka ay kula jirto ciidamada daacadda u ah General Khalifa Haftar.

Iyagoo taageero ka heleya Turkey ayay ciidamada xukuumadda Libya waxa ay gacanta ku dhigeen magaalooyin dhowr ah, saldhig ciidamada cirka oo muhiim ah, iyagoo sidoo kale burburiyey dhowr gantaallaha lidka diyaardaha ee lagu sameeyey Russia.

Guulahan ayaa cadaadis saaray ololaha ay muddo 13 bilood ah wadeen ciidamada Haftar ee ay ku doonayeen iney kula wareegaan maamulka magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Haftar ayaa taageera ka hela dalalka Russia, Masar iyo Imaaraatka Carabta. Ciidamada uu hogaamiyo Haftar ayaa dib uga baxay dhowr aag oo ay horey ugu sugnaayeen, laakin waxa ay Sabtidii weerareen saldhigga ciidamada ee Yarmouk ee Tripoli, halkaasi oo ay ku dileen dhowr askari.

Haftar, ayaa farriin cod ah oo uu u soo diray ciidankiisa ku boorriyey in ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray faragelinta "gumeysi” ee Turkey illaa laga jebiyo, taasi oo uu tixraac uga dhiganayay muddo kooban oo ay Imbaraadooriyaddii Cuthmaaniyiintu maamuleen Tripoli.

Afhayeenka Madaxweynaha Turkey, Ibrahim Kalin, ayaa wareysi uu siiyey NTV ku sheegay in dalkiisu aanu u hogaansami doonin "hanjabaad ka timaadda Haftar ama cid kale.”

"Beesha Caalamku waa in ay ka soo hor jeesataa Hafter. Waxaan u baahannahay in aan miiska ugu laabanno sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah si aan u gaarno xal siyaasadeed,” ayuu yiri Kalin.

REUTERS

Loading...
Loading...