Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Shaqaalaha Caafimaadka, Khatarta COVID-19 Iyo Baaqa Dhakhaatiirta

0
Monday May 25, 2020 - 00:58:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Shaqaalaha Caafimaadka, Khatarta COVID-19 Iyo Baaqa Dhakhaatiirta

    Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Shaqaalaha Caafimaadka, Khatarta COVID-19 Iyo Baaqa Dhakhaatiirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray Oo Ka Hadlay Xaaladda Shaqaalaha Caafimaadka, Khatarta COVID-19 Iyo Baaqa Dhakhaatiirta

Hargeisa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa si adag uga hadley xanuunka Coronavirus ee sida ba,an ugu sii faafaya Somaliland.


Cali Gurey ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi aanay ilaa iyo hada si dhab ah u wajihin kahortaga xanuunka Covid-19.

Waxaa uu sidoo kale ka hadley shaqaalaha Caafimaadka ee safka hore kaga jira la dagaalanka xanuunka Coronavirus isagoona sheegay in aanay xanuunkaasi waxba ka qaban karayn shaqaale werwersan oo jaho-wareersani.


Dhinaca kale, siyaasi Cali Gurey ayaa dhakhaatiirta Somaliland jooga ugu baaqay in ay isugu yimaadaan shir ay iyagu si gaar ah ugu lafoguraan dagaalka ka hortagga cudurka.

Cali Gurey ayaa sidaasi ku sheegay qoraal dheer oo uu arintaasi kaga hadlayo oo uu soo dhigay boga xidhiidhka bulshada ee Facbook, waxaanu u dhignaa sidan:-

Somaliland: Ka Hortagga COVID-19

Somaliland waxaad moodaa inaan si dhab ah ilaa hadda loo waajihin Ka Hortagga COVID-19. Marka laga tago fariinta caafimaadka ee dadwaynaha loogu gudbiyo telefoonada gacanta "WAA FARIIN CAAFIMAAD OO KU SAABSAN CUDURKA CORONAVIRUS …… " waxad moodaa in arimihii kale ee muhiimka ahaa gaar ahaan xukuumadda dhinaceeda ay wax badani ka qaldan yihiin gaar ahaan adeega caafimaadka oo ragaadsan.

Marka ay tahay ka hortagga cudurkan waxa ugu muhiimsan shaqaalaha caafimaadka gaar ahaan kuwa loo yaqaan safka hore (frontline) ee iyagu nafahooda u bandhigaya khatarka cudurkan. Waddamada hore u maray sida UK iyo USA oo dadaal badan sameeyay dhinaca xoojinta iyo daryeelka shaqaalahooda caafimaadka ee safka hore ayaynu ognahay inta dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal caafimaad u dhintay cudurkan iyagoo la tacaalayay dad kooxdii uu haleelay cudurkan COVID-19.

Shaqaalaha safka hore ee dagaalka cudurkan waxa ugu qaalisan inanta neerasta ah ee goor kasta duljoogta bukaanka ( bukaan socod iyo bukaan jiifba) oo la’aanteed aanay xataa dhakhaatiirtu wax shaqo ah qaban karin.

Bal ka waran mushaharka ay qaadato oo aynu ognahay in aanu dabooli karin xataa baahiyaheeda assaasiga ah. Dhakhaatiirta laftooda inta sadka hore laftooda ayaan xaalkooda cid ogi jirin sida muuqata. Shaqaalaha kalena daaba hadalkooda.

Waxa ka daran qaab-dhiskii maamulka ee ka hortagga oo aan ilaa iyo loo dhaqaaqin taasoo ku keentay shaqaalihii caafimaadka haday dhakhaatiir yihiin iyo haday kalkaaliyayaal yihiinba jahowareer aanay si cidba u garan karin meel ay wax kaga hagaagaan taas oo laga arki karo niyadjabka ka muuqda dhakhaatiirta iyo guud ahaan shaqaalaha safka hore ee ka hortagga Covid-19 ee aanay jirin wax ay iyagu gacanta ku hayaan baagiyahoodana xataa cid u hagar la’ oo ay ugu hagaagi karaan ama xataa kala hadli karaan aan arkaynin. Ta kale ilaa iyo hadda agab badan oo lagu talogalay ka hortagga ay dalka soo gadhay oo aan sidii haboonayd looga faaiidaysan.

Lacago badan oo loogu yaboohay in loo isticmaalo dagaalka cudurkan ayaa jira hadii aan dadkii safka hore kaga jirayba iska daa in baahiyahooda lagala tashado eh aan wax looga qoondeeyay oo ay ku talogeli karaan jirin arinku dagaalka ka hortagga Xovid-19 saw ma aha mana ahaan doono ha fadhido.

Baahida ugu yar ee maalinlaha ee degdegga ah cidda loogu hagaagi karo waa Madaxwaynaha oo isagu keligii saxeexa lacgta ka baxaysa xisaabta loo furay ka hortagga COVID-19 iska leh.

Hadaba si qaladaadka jira loo saxo ka fursan mayso in dhakhaatiirta dalka jooga ay isugu yimaadaan shir ay iyagu si gaar ah ugu lafoguraan dagaalka ka hortagga cudurkan iyadoo ay WHC ay daadihinayso kana warbixinayso xaaladda runta ah dhinaca kasta si ugu dambaysta ay u soo saaraan qorshe hawleed dhamaystiran oo wata baahiyaha jira iyo xataa ku talogal miisaniyadeed oo muddaysan, iyadoo ahmid gaar ah la siinayo daryeelka shaqaalaha caafimaadka ee safka hore si loo daboolo baahiyahooda taas oo niyad ahaa dhiirigelin u noqon karta.

Shaqaale werwersan oo jihowareersani waxba kama tari karaan ka hortagga Covid-19 waayo toodii ayaaba cuslaysay oo ay u taag la’yihiin.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...