"Saami Qaybsiga Xukuumada Muuse Biixi Waa In Dib U Eegis Lagu Sameeyaa"...Ex Wasiir Cadaani
Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee wasaaradaha warfaafinta iyo duulista ee somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa ka hadlay dheeliga ku jira saami qaybsiga xukuumada hogaamiye Muuse Biixi.
Ex wasiir Cadaani ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo saami qaybsiga xukuumada Muuse Biixi gaar ahaana saamiga ay ka haystaan beelaha dega darafyada dalka, isaga oo soo jeediyey in la fuliyo heshiiskii xukuumadii Siilaanyo la gashay Khaatumo.
Ex wasiir Cadaani oo la hadlay Bulshotv ayaa isaga oo ka hadlaya saami qaybsiga xukuumada Muuse Biixi waxa uu yidhi "Anigu arinta saami qaybsiga hore ayaan u sheegay in dib loo eego si aynu hore ugu marno oo aynu noqono dad is haystana meesha way ku jirtaa, halka aan ka eegayaana maaha beesha dhexe ee waa beelaha darafyada haday beelaha abtiga ii ah ee Harti tahay haday samaroon tahay, haday ciise tahay iyo haday tahay beelaha laga tiradan badan yahay ee Gabooyaha iyo ma dhibaan, halka aan ka saluugayaana waa halkaas hadii dib loo eegayana waa saami qaybsiga beelahaas dib loo eegaa oo laga hawl gala.”
Ex wasiir Cadaani waxa kale oo uu soo jeediyey in xukuumada Muuse Biixi dib u eegis ku samayso heshiiskii ay dawladii Siilaanyo la gashay Khaatumo, waxaanu yidhi "Waxa kale oo aan jecelahay heshiisyadii badnaa ee aanu la galnay Cali Khaliif iyo beelaha bariga ka soo jeeda kuwaas oo qiime weyn ugu fadhiya somaliland aniga oo qaba inay tahay wax la dhamayn karo, wixii kale ee socdaa wax weyn maaha waxaanan qabaa in madaxweynaha hada joogaa uu dhamayn doono hawlaha wixii dantu ku jirtana inay cid waliba dib u eegto way haboon tahay.”
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland