Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Dawlada Jigjiga Oo Xabsiga Lagu Hubsaday
Jigjiga(HWN):-Xildhibaan Nadiir Yuusuf Aadan oo ka mid ah baarlamaanka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayey ciidamada amaanku xabsiga dhigeen.
![]() |
sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Jigjiga, ciidamada amaanka ayaa soo qabtay xildhibaan Nadiir oo ka mid ahaa mudanayaal gaadhaya 12 oo laga qaaday xasaanadii ay lahaayeen ee baarlamaanka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya.
wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay jiraan xildhibaano kale oo xabsiga lagu hubsaday kuwaas oo lala xidhiidhiyey rabshado is rasaasayn ah oo habeenkii xalay ka dhacay magaalada Jigjiga.
Xildhibaanadan ayaa baarlamaanka dhexdiisa ka dhex abuuray buuq islamarkaana isku dayay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha kadib markii gudoonku ka diiday ajande ay wateen, iyadoona laga qaaday xasaanadii xildhibaanimo.
Maamulka Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga xildhibaanadaasi.
![]() |