Cabdikariin Xinif Wanjalaada Uu Salaxley U Gaystay Waxay Ina Tusaysaa Hagardaamada Uu Kula Joogo Muuse Biixi

0
Sunday May 24, 2020 - 17:58:08 in Articles by
  • Visits: 1729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariin Xinif Wanjalaada Uu Salaxley U Gaystay Waxay Ina Tusaysaa Hagardaamada Uu Kula Joogo Muuse Biixi

    Cabdikariin Xinif Wanjalaada Uu Salaxley U Gaystay Waxay Ina Tusaysaa Hagardaamada Uu Kula Joogo Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariin Xinif Wanjalaada Uu Salaxley U Gaystay Waxay Ina Tusaysaa Hagardaamada Uu Kula Joogo Muuse Biixi


Cabdikariin Axmed Maxamed (XANAF) Wanjalaada uu Deegaanka Sallaxley kula Dul Kufay' waxay Ina Tusaysa in uu ka mid yahay inta Madaxweyne Biixi Hagardaamada La ag joogta.

Image may contain: 1 person, eyeglasses


Dhawr maalmood ka hor oo ku beegnayd 22-kii Bishan May ee aynu ku jirno ayaa dhawaaq dad badani la yaabeen uu ka soo yeedhay Guddoomiyaha Hay'adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif ) hadalkaasi oo u muuqday mid Wanjalaad Caddaan ah ku ah Dhalinyartii iyo AqoonyahankiiMadaxwrynaha u diray Baaqa Shacabka in iyada oo mid iyo laba dhalinyara reer Sallaxley ahi kaga jireen uu hadana#Cabdikariin_Xinifyidhaahdo Waa Kacdoon ay reer Sallaxley ama dhalinyarada reer Sallaxley ka dambeeyaan oo Qaranimadda Somaliland làgu dhaawacaayo arintaasi oo aan odhan karo waa mid xaqiiqada ka fog dhawr arimood ayaanan tusaale u soo qaadanayaa.


Horta waxaaba laga yaaba in uu Cabdikariin (Xinif) ka sakow dhawaaqan in uu Siyaasad halka ka day uu islaaha ama Deegaanka Sallaxley shaambade in uu islahaa xata waxa kale oo muuqata Baaqa Shacabka ee dhalinyaradda iyo Aqoonyahanada Reer Somaliland ee 6-da Gobol ee dalka Deegaanka kasta ka soo kala jeeda ay direen in uu yahay mid qaranka Somaliland dani Ugu jirto Caddaaladiisa iyo wax wadalahaanshihiisa ayaanu fahansanayn Cabdikariin Xinif sida hadalkiisan iyo wanjalaadu ka muuqato uu u dhigaayo.


Sababto ah marka uu reer Sallaxley low dhalinyartiina Qabsada leeyahay waxa laba arimoodba Xinif wuu ka been sheegayaa sida hadalkiisa uu u dhigay mid a koowaad sida aan nor Ku xusay waa dadkii muwaadiniinta ahaan ee Baaqa nasteexa ahaan madaxweynahooda u diray oo isaga oo si guracan u dhigaya uu reer Sallaxley Ku shaambadeeyey iyada oo shaqsiyaad ay kaga jiraan dadkani iyo arinta labaad oo ah in uu macnaha iyo ujeedka baaq Shacabka ee la diray uu si uu isagu jecel yahay oo Qaranka dumis ah ka soo qaaday labada arimoodna aanay ahayn sida uu Xinif u dhigay midkoodna.

W/Q Zir Cabdi Wali
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...