Is Rasaasayn Xoogan Oo Ka Dhacday Magaalada Jigjiga Iyo Waxyaabaha Sababay
![]() |
Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay is-rasaasaynta laakiinse dad dhalinyaro ah oo banaan-baxaya ayay iska hor yimaadeen ciidanka amaanka.
Rasaasta xalay la maqlay ayaana ku soo beegmaysa iyadoo Xaalada dowlad deegaanku ay tahay mid cakiran.
Dhinaca kale, maalinimadii Khamiista ayay ahayd markii Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida ay xasaanadii ka xayuubiyey 12 xildhibaan, kadib muran sababay gacan ka hadal oo hadheeyay fadhigii golaha.
Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka.
Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah.
Siyaasada deegaanka Soomaalida ayaa u muuqda in uu yahay mid galay xaalad cusub oo keeni karta in halkaas uu ka qarxi karo dagaal sokeeye, iyadoona ay socdaan loolan u dhaxeeya qabaa’ilada deegaanka iyo madaxada hada haysa xukunka.