Nuxurka Fariin Uu Wasiir Koore U Diray Warbaahinta Somaliland

0
Sunday May 24, 2020 - 17:26:09 in News by
  • Visits: 2165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Fariin Uu Wasiir Koore U Diray Warbaahinta Somaliland

    Nuxurka Fariin Uu Wasiir Koore U Diray Warbaahinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Fariin Uu Wasiir Koore U Diray Warbaahinta Somaliland


Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Isla markaana ah afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Hambalyo u diray Guud ahaan Warbaahinta qaranka Sida ta dawliga ah iyo ta madaxa bannaan doorkii muga lahaa ee ay ka qaateen Munaasibadihii qaran ee 18 May iyo Ciidul Fidrigii iyo Kaalinta ay kaga Jiraan Wacyigelinta Xannuunka Covid19.




Wasiirka oo u Waramayay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa ku amaanay Guud ahaan Warbaahinta qaranka Somaliland Mid dawladeed iyo mid madax bannaanba inay si wanaagsan u soo tebiyeen Xuskii Munaasibadii qaran ee 29 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax bannaanidda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May iyo Weliba Munaasibadii Ciidul fidri oo sannadkan ka duwanayd sidii loo xusi jiray Maadaama lagu hawlan yahay Xakamaynta Xannuunka Coronavirus isla markaana ay si wanaagsan u dabaqeen Xeerarka Iyo Siyaasada qaranka ee ku wajahan ka hortaga iyo xakamaynta xanuunkaas.


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxaa kale oo uu hambalyo u diray dhamaanba Ciidamada amaanka Somaliland kaalintii muga lahayd ee ay ka qaateen sugida amaanka maalmihii Ciida.


Wasiir Koore waxa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafintu iyadoo ka duulaysa sidii ay bulshada u gaadhsiin lahayd fariimaha wacyigelineed ee xannuunka Covid19 ay Suuqyada waaweyn ee Caasimadda Hargaysa ay ku xidhay Cod baahiyeyaal shacabka ku dhiirigelinaya inay qaataan Tilmaamaha caafimaad ee lagaga badbaadi karo aafada xannuunka Coronavirus.


Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka dalbaday Guud ahaan warbaahinta dalka in aanay ka daalin ee ay ay sii wadaan wacyigelinta la xidhiidha xannuunka Covid19 si aynu bulshadeena uga badbaaadino.


Waxa uu Gabo gabadii wasiirku ku amaanay Warbaahinta dalka sida ay u shaqeeyeen Maalmaha Xusaska qaran ee umadda fasaxa ka tahay shaqooyinkooda isagoo u rajeeyay Guul iyo badhaadhe.


Loading...
Loading...