Qalabkii Caafimaad Ee Covid-19 Oo Suuqyada Soomaaliya Lagu Iibinayo Iyo Sheekh Shariif Oo Si Adag Uga Hadlay

0
Sunday May 24, 2020 - 17:13:31 in News by
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalabkii Caafimaad Ee Covid-19 Oo Suuqyada Soomaaliya Lagu Iibinayo Iyo Sheekh Shariif Oo Si Adag Uga Hadlay

    Qalabkii Caafimaad Ee Covid-19 Oo Suuqyada Soomaaliya Lagu Iibinayo Iyo Sheekh Shariif Oo Si Adag Uga Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalabkii Caafimaad Ee Covid-19 Oo Suuqyada Soomaaliya Lagu Iibinayo Iyo Sheekh Shariif Oo Si Adag Uga Hadlay

Muqdisho(HWN):-Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xanuunka COVID-19 , isagoo bulshada Soomaaliya ugu baaqay in ay sameeyaan taxa-dar iyo feejignaan xooggan oo ay isaga ilaalinayaan Coronavirus.




Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday deeqaha caafimaad oo ay dowladda Soomaaliya ka heshay waddamada dibadda si looga hortago faafidda Coronavirus iyo kuwa lagula tacaalo dadka uusoo rito intaba.

Ilaahey naxariistiisa waa nala jirtaa, marka la’eego sida hay’adaha caafimaadka sid ay u baaba’sanyihiin iyo sida looga kabanayo isma laha, dhakhaatiirta Soomaaliya ee aqoonta u leh, amma aqoonta caafimaad ee durugsan leh, waa in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan amma wacyi-gelin ha noqoto amma wax ka qabasho ha noqoto ay ku dadaalaan badbaadinta shacabka .” ayuu yidhi madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in hadda uu xog ku helayo qalabkii loogu tala-galay wax ka qabashada xanuunkaas in lagu iibinayo suuqyada.


"Waxaan la soconnaa qalab fara badan oo dowlado kala duwan ay keeneen amma ay jiraan kuwo ay soo wadaan, qalabkaas waxaa muuqata in sidii loogu tala-galay aan loo isticmaalin, waxaa muuqata in qaarkood suuqa laga helay sida warka nagusoo gaadhayo, arrimahaasi ma fiicna, ammaanada sidii loo keenay in loo gutaa la rabaa” ayuu mar kale sheegay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.


Loading...
Loading...