Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo soo Bandhigay Adeegyo Ay ir-galiyeen Bishii March, 2019

0
Wednesday April 10, 2019 - 19:03:40 in News by
  • Visits: 1629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo soo Bandhigay Adeegyo Ay ir-galiyeen Bishii March, 2019

    Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo soo Bandhigay Adeegyo Ay ir-galiyeen Bishii March, 2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo soo Bandhigay Adeegyo Ay ir-galiyeen Bishii March, 2019




Hargeysa(HWN) Shalay oo ay bishu ku beegnayd 09/04/2019 ayaa waaxaha kala duwan ee wasaaraddu soo jeediyeen waxyaabihii u qabsoomay bishii March marka la barbardhigo wixii u qorshaysnaa iyaga oo ka soo dheeganaya qorshe-hawleedkooda 2019 ka. Waaxuhu waxay soo gudbiyeen qodobadii loo qorsheeyey, wixii u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin iyo wixii caqabado ka horyimid.



 

Kulankan shalay oo ka dhacay xafiiska wasiirka waxa hoggaaminayay wasiirka Wasaaradda Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Maxamed Cabdi Gurxan.


Kulankan oo qaatay muddo 4 saacadood ah waxa ka soo baxay in la xalliyo dhammaan caqabadaha xannibaya xaqiijinta qorshaha waaxaha si taas loo gaadhana la joogteeyo kulammada ilaa ay wax walba ka hagaagayaan.


Nidaamka dhigista qorshe-hawleedka iyo xisaabinta waaxaha ayaa ah mid ku cusub Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Nidaamkan lagula xisaabtayo Waaxaha Wasaaradda ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah, kaas oo looga gol leeyahay in lagu dardargaliyo shaqada baaxada leh ee ay qaranka ugu xilsaaran tahay Wasaaradda Horumarinta Somaliland.


Dhinaca kale, waxa uu sahlayaa in ay waax walba yeelato shaqo u gooniya oo lagula xisaabtamo, isla markaana sababaysa in la ogaado halka loo socdo iyo halka laga soo dhaqaaqay, taas oo wadada u xaadhaysa nidaam hufan oo lagula xisaabtami doono masuuliyiinta iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.


Sida oo kale, tan iyo mudadii uu xilka Wasaaraddaas loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu gabi ahaanba is-bedel ku sameeyey nidaamkii shaqo ee Wasaaradda guud ahaan, kaas oo sahlaya in sarkaal kasta oo ka tirsan wasaaradda loo xilsaaro shaqo u gooniya oo lagu dabo-gali doono, isla markaana ku wargaliyey masuuliyiinta waaxaha wasaaradda mid walba shaqada laga rabo inuu qarankiisa u qabto


 
 

Loading...
Loading...