'' Noomiyadiina Eegta ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Sunday May 24, 2020 - 11:56:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Noomiyadiina Eegta ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Waagii murankii distoorka iyo shirbeeleedku socday 2001 ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagii murankii distoorka iyo shirbeeleedku socday 2001 ,  Axmed siilaanyo wuxuu ka yimi London isagoo doonayay in uu dhinacyadda dhex dhexaadiyo hassa yeeshee waxaa ku gacan saydhay cigaal , inkastoo Axmed waagaa sheegay in uu siyaasada ka nastayna hadana waxay tahayba cigaal wuu ka gaws qabsaday .


2002 iyadoo xaaladdu iska cakirantahay markii cigaal dhintay , Riyaalena noqday Madaxwaynaha , intii aanu magacaabin madaxwayne xigeenka waxaa jirtay sheeko soo baxbaxasay oo odhan jirtay Siilanayo wuxuu rabaa in uu noqdo madaxwayne xigeen ka dibna halkaa salaanka kasoo qabsado ,hassa yeshee sidaas may noqon , siilaanyaa wuxuu furtay xisbi siyaasadeed oo loo bixiyey Kulmiye .



Doorashadii madaxwayne ee 2003 markii siilaanyo dhacay , dadkii raacsana waxay noqdeen wax xisbigga si toosa ula shaqeeya oo la dhaqsan , in suuqa iska gashay oo dusha kala socota iyo in dabada u dhooftay oo xisbigga soo biilisa .


7 Sanadood ee uu Siilaanyo mucaaridka ahaana inkastoo inta badan uu joogay Hargaysa oo barri tagesitiisu ku yarayd , inkastoo siyaasadu marba janbi dhigaysay , hadana waa la iska daba socday , maxaa yeelay waxaa loo arkayay Noomiyad , Noomiyadana maraakiibtu way soo eegataa si aanay dakadaha uga lumin una hareer marin , sidaa darteed waxaan leeyahay saaxibayaal siyaasadda iyo maraakiibtuba waxay sabeeyaan badwayn , badwaynta si aan loogu lumina waxaa la eegtaa noomiyad , noomiyadda siyaasaduna waa hogaamiyaha hadba dadka hortaagan markaa adeerayaal si aynaan badwaynta ugu kala lumin isuna jiidh jiidhin noomiyadiina iska eegta oo noomiyadda la haysta

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...