'' Obame Xaguu Aduunka Ka Keeney ''.

0
Sunday May 24, 2020 - 09:04:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Obame Xaguu Aduunka Ka Keeney ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Madaxwaynihii horre ee Maraykanka Barak Obama wuxuu ku jiraa aqal qaaliya oo qiimihiisu yahay malaayiin doolar , waxaanu isticmaalaa aduun fara badan , lacag badana wuu haystaa , tolow xagee odaygu aduunka ka keeney ?

 

Aduunyada casriga ah , madaxwayne waliba wuxuu soo bandhigaa cashuurta uu bixiyey , waxaanu faah-faahin ka bixiyaa halka ay kasoo gashay lacagta uu cashuurtay si bulshaddu u ogaato , sidaa darteed , Obamme mushaharka yar ee ay siiso dawladda maraykanku wuxuu kaga baxaa kharashka jaamacadaha caruurtiisa , sidaa darteed halkaa aduun badani kama soo gale , hadda lacagta yaa siiyey tolow ?

 

Tan iyo 2005 , Obame wuxuu ku hawlanaa soo saarista buugaagta , 3 buug oo noqday kuwa loogu iibsiga badan yahay oo uu soo saarayna waxaa kasoo gashay lacag dhan 20 malyuun oo doolar , dhawaana odaygu wuxuu saxeexey heshiis uu ku daabacayo buugaag ku saabsan xasuus qorkiisii , taasoo ay ka soo galayso lacag dhan 60 malyuun oo doolar , isha dakhliga badani kasoo galay Obamana waa Buugaag qorista .

 

Akhriste hadii aynu intaa isla fahanay , inaga siyaasiyiinteena xagee lacagtu kasoo gashaa , guryaha ay ku jiraan sidee u gateen , intee kasoo xoogsadeen , bal adba .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...