Yaxaas Ka Soo Doogay Dagaalkii Labaad Ee Dunida Oo Moscow Ku Dhintay
"Shalay aroornimadii, ayaa yaxaaskayagii Mississipi Saturn da' u dhintay. Wuxu ahaa 84 jir, kaas oo ah cimri dheer oo laga samri karo". Ayaa lagu yidhi warbxint ay soo saartay beertaa xawayaanku.
Saturn waxa hadyad loo siiyey beerta xawayaanka ee Berlin sannadkii 1936 wax yar uun ka dib markii uu ku dhashay dalka Maraykanka. Waxa uu ka firxaday beertaas markii la duqaynayey magaaladaas sannadkii 1943.
Askar Ingiriis ah oo saddex sano ka dib helay ayaa markii dambe ku wareejiyey Midowgii Soofiyeeti.
Waxa dadka la yaab ku ahayd sidii sannadahaa uu baadida ahaa ku badbaaday, laakiin tan iyo Juulaay 1946, yaxaaskaas waxa aad u jeclaa dadka oo ugu daawasho tagi jiray Moscow.
"Beerta
xawayaanka ee Moscow, waxa sharaf u ah in ay Saturn xanaanaynaysay muddo 74
sannadood ah" ayay tidhi warbixintu.
Warbixintu
waxay intaa ku dartay "Saturn cimirigiisu marxalad dhan ayay noo ahayd,
taas oo aan wax la buunbuuninayo ahayn…… shaqaalahayaga badankoodu iyagoo
caruur ah ayay markii ugu horraysay arkeen, waxaanan rajaynaynaa in aanaan
dhibaatayn."
Beerta xawayaanku waxay sheegtay in Saturn yaqaanay dadka xanaaneeya oo uu jeclaa in burush jidhka loogu xoqo iyo sidoo kale in marka laga cadhaysiiyo uu biraha cuntada lagu siiyo iyo gidaarrada ilkaha la dhici jiray.
Yaxaasyada
ku nool webiga Mississipi cimrigoodu wuxu sida caadiga ah gaadhaa inta u
dhaxaysa 30 - 50 sano marka aan cidi daryeelin ee ay duurjoogta yihiin, ayaa
warbixintaa lagu sheegay.
Suurto
gal ma aha in la yidhaa waxa dhici karta in Saturn ahaa yaxaaska ugu da'ada
weyn dunida. Waxa jira yaxaas kale oo lab ah oo la yidhaa Muja oo ku jira beer
xawayaanka lagu daryeelo oo ku taal Serbia, waxaanay haatan isaga da'diisu
gaadhay 80 sano waanu nool yahay.
Laakiin way adag tahay in la helo yaxaas kale oo da'diisu gaadhayso cimirigii Saturn.
Arinta
ugu wayn ee dadka soo jiidan jirtey waxa weeyi in si khalad ah loogu haystay in
Saturn uu ka mid ahaa xawayaan uu Hitler si gaara u lahaan jiray, taas oo been
ah.
"Isla markii yaxaaskaa la keenay beertaa lagu hayey, ayaa waxa soo if baxay kutidhi kuteen ah in uu ka mid ahaa xawayaano uu gaar u lahaa Hitler ee aan lagu hayn jirin beerta xawayaanka Berlin" ayaa lagu sheegay warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee Interfax.
Lama hubo sida kutidhi kuteen taasi ku bilaabantay.
Hase yeeshee waxa wararka noocaas ah ganafka ku dhufatay beerta xawayaanka ee Moscow oo sheegtay in xawayaanka "aanay siyaasaddu lahayn isla markaana aan dembiyada ay aadamuhu galaan dusha laga saari karin".
Firxadkii Saturn ee sida muuqata uu dhimashada kaga badbaaday 1943 ayaan ilaa haatan si buuxda loo macnayn karayn.
Berlin oo ahayd magaalo madaxdii xukuumaddi Jarmalka ee Nazi-ga ayaa waxa aad u duqeeyey xoogagii isbahaysiga intii aanu dhamaan dagaalku sannadkii 1945.
Dagaalkii
loo bixiyey Gulufkii Berlin wuxu bilowday bishii Noofember 1943, habeenkii
22-23 bishaasina wuxu ahaa kii khasaaraha ugu weyn lagu gaadhsiiyey meelo ku
yaallay galbeedka badhtamaha magaalada oo ay ka mid tahay degmada Tiergarten oo
ahayd halka ay ku taallay beerta xawayaanka ee uu ku jiray yaxaaskaasi.
Kumanaan
qof ayaa lagu dilay oo lagu dhaawacay xawayaankii ku jiray beertaas
badankoodiina way ku dhinteen.
Qaybta berri-biyoodka ee beertaas oo madafiici toos ugu dhacday ayaa dadkii waagaa soo maray sheegeen in ay ku arkeen afar yaxaas raqdooda oo wadada taal, oo sida muuqata qaraxii dibadda u soo tuuray.
Saturn
ayaa si lama filaan ah uga badbaaday waxaanu saddexdii sano ee dambe ku noolaa
burburka magaaladii dagaalku dumiyey oo aan cimiladeedu ku haboonayn
yaxaasyada.
Waxa
lagu soo waramayaa in yaxaaskaa raqdiisa inta uur ku jirta laga saaro oo
dawooyin lagu qallajiyo isaga oo sidiisa ah la dhigi doono matxafka caanka ah
ee bayoolojiga Moscow ee loogu magac daray Charles Darwin.
BBC