Warbixin:-Magaallooyinka Waa-wayn Ee Somaliland Oo Si Wayn Looga Ciidday Xilli uu faafaayo CORONAVIRUS

0
Saturday May 23, 2020 - 17:26:57 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:-Magaallooyinka Waa-wayn Ee Somaliland Oo Si Wayn Looga Ciidday Xilli uu faafaayo CORONAVIRUS

    Warbixin:-Magaallooyinka Waa-wayn Ee Somaliland Oo Si Wayn Looga Ciidday Xilli uu faafaayo CORONAVIRUS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin:-Magaallooyinka Waa-wayn Ee Somaliland Oo Si Wayn Looga Ciidday Xilli uu faafaayo CORONAVIRUS

Hargeisa (HWN):-Waxaa Saaka si weyn looga Ciiday gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, inkastoo wakhtiga lagu dhawaaqay inay ciid tahay ay ahayd wakhti dambe oo xalay ah.


Masaajidda Somaliland ayaan laga tukan Salaada Ciida iyadoo xukuumaddu amartay in dadku isu iman, iyadoona goobaha caruurtu ku ciyaaraan ay xidhnaayeen si looga fogaado faafitaanka Fayraska CORONAVIRUS.


Waddooyinka magaallooyinka Somaliland ayaa saxmad ahaa saaka, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buuxdhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Sidoo kale, isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee iskugu gudbiyay gobolada dalka ayaa gabi ahaanba xidhnaa oo aan jirin cid isaga kala gudbaysa sababo la xidhiidha faafitaanka xanuunka Corana.

Dadka badankooda ayaan xidhneyn maaska afka lagu xidho si looga hortago Fayraska Korona. Dhinaca kale, waxa jira dad aan ciidin oo ku nool magaalooyinka Somaliland qaarkood kuwaas oo sheegay in dunida muslimka ah badankeed aan laga ciidin sidaa daraadeedna ay soon tahay balse Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Axmed ayaa wakhti dambe oo 2-dii habeenimo ah ku dhawaaqay inay maanta ciid tahay.

Ciidul Fitriga ayaa sanadkan soo gashay iyadoo cudurka safmarka ah ee Korona Fayras uu faro ba’an ku hayo Somaliland oo dhan iyadoo gobollada dalka oo dhan laga helay xanuunka.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...