Suldaanka Guud Ee Beelaha Gabooye Oo Ka Hadlay Talaabo Uu Qaaday Wasiirka Waxbarashada Somaliland

0
Saturday May 23, 2020 - 10:10:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaanka Guud Ee Beelaha Gabooye Oo Ka Hadlay Talaabo Uu Qaaday Wasiirka Waxbarashada Somaliland

    " Runti umad ahaan waxay noo tahay hiil qaran waayo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Runti umad ahaan waxay noo tahay hiil qaran waayo?

Hargeysa(HWN)-Suldaanka guud ee beelaha gabooye Suldaan daakir xassan khaliif oo ku sugan magaaladda Burco ee gobolka tog-dheer khadka telefoonkana kula soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi: "Walaal waxaan jeclahay inaan si weyn u hambalyeeyo tallaabo taarikhi ah oo u qaaday Wasiirka waxbarashada somaliland. taas oo aheyd magacaabisti uu ku magacaabay guddoomiyaha waxbarashada gobolka ugu weyn ee maroodi-jeex.

 

” Runti umad ahaan waxay noo tahay hiil qaran waayo? mabay dhicin 30 sanno oo Somaliland jirtay wasiir qalinkiisa ugu hiiliyey qoomkaan ka soo jeedno oo takoor diin iyo dadnimo sal ku hayni ragaadiyey xuquuqo badan oo siyaasi ah oo ay lahaayeena seejiyey”

 

Waxa ugu badan ee aanu mucaaradka u nahay waxa weeye sidii xuquuqdayada aanu uga heli laheyn qarankayaga cid wal oo masuul ah oo qalinkooda noogu hiilisana hambalyo ayey naga mudan tahay.

 

Ugu dambeyntiina wuxu suldaanku hadalkiisa ku soo afmeeray oo u yidhi:

 

"Aniga oo ku hadlaya afka bulshada gabooye waxaan leeyahay Wasiir Hambalyo sidaad qalinkaaga qaranka ugu qurxisay Alle adigana ha ku qurxiyo.”


Loading...
Loading...