Dhaliilaha Bulshada Caalamka Ee Qadiyada Somaliland

0
Saturday May 23, 2020 - 09:35:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaliilaha Bulshada Caalamka Ee Qadiyada Somaliland

    M J Farah Innovative Educator

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M J Farah Innovative Educator

Marka la eego duruufaha ku xeeran Somaliya waxaa bulshada calamka la gudboon in ay dib u eegto aragtida wada hadalada Somaliya iyo Somaliland,si bulshada caalamku uga digtoonaato khalad weyn oo khasaare ku keena dadaalka caalamka ee arimaha Somaliya


Lis Dairy

Waa hadii bulshada caalamku rabto in somaliya guud ahaan guuleysato oo natiijo wax ku ool ahi ka soo baxdo dadaalkooda ku aadan Somaliya guud ahaan arimahani waxay u baahan yahiin wax ka bedel jadwalka ama road map ka Somaliya oo hada ku saleysneyn qorshe  cilmiyeesan oo xalili kara dhibaatooyinka ka jira Somaliya ee aan cidna caad ka saareyn.


Somaliland laga soo bilaabo 18 May 1991 waxay mideysay dadkeedii oo ay u sameysay maamul iyo kala dambeyn waxaaney ku guuleysatey in ay xaliso dhibaatooyinkii uu ka tegey burburkii iyo xukunkii dawladii Somaliya iyada oo shirar dabeed(beesha caalamku) u qabatey iyo cid taageertey toona aaney jirin Alle mooyee.


Somaliland Somaliya waxaa ka dhexey midow laba dal oo 1 July 1960 way midobeen, taas macnaheedu waxaa uu yahay Somaliland si rabitaankeeda ah ayey ugu biirtey Somaliya rabitaankeedana way kaga baxdey sidaa darteed caalamka waxaa la gudboon in markasta oo somaliya iyo Somaliland wax layska weydiinayo maskaxda lagu hayaa kala duwaanshaha dal kala go’ay iyo laba dal oo kala baxay meesha laga bilaabayaa waa taa, ee ma aha somaliya oo ah hal dal ee waa somaliya oo ahayd laba gobo loo midoobey .


Somaliya iyo Somaliland Khilaaf baa ka dhexeeya ku saabsan masiiro umadeed sidaa darteed


Bulshada Caalamka waxaa la gudboon in hadii la rabo in Somaliland iyo Somaliya la dhexgalo in marka hore mid walba si gaara loola dhaqmo taasi macneheedu wuxuu yahay:


  1. Somaliya waxa caalamku u dhisay dawlad federalka ah ee Somaliya dawladaasi waxay quseysaa Somaliya oo qudha waayo Somaliland qayb kamey ahayd talona kumey lahayn,sidaa darteed cid ku qasbi karta ma jirto in ay u hogaansanto ama ay qab ka noqoto wax aaney waxba kala socon kana saxeexin.
  2. Dawladii federalka ahaa ee Somaliya loo sameeyey weli ma aha mid ka Talisa oo maamulsha xitaa intii wada dhisatey oo lama odhan karo waa mid guuleysatey balse waa mid gurguurad ku jirta.
  3. Dalada federalka ah ee Somaliya loo dhisay ma aha mid gaadhey oo ku dhasan codka dadka Somaliyeed ee ku salaysan hal qof iyo hal cod ee waa mid farasmo ama xal lagu dhisay.
  4. Waxaa jirta in ay umuuqato in xitaa dhaqaalaha caalamku ku caawiyo lamariyo nidaamka musuqa iyo ku fulin halo lagu kharbudo xasiloonida Somaliland ama gobolada kale ee federalka ka mida.

    Hadaba hada waxaa la joogaa wakhtigii Somaliland caalamku taageeri lahaa hadii caalamka hogaamiyashiisa iyo bulshada caalamkaba dhab ka tahay daacadna ka yihiin qadiyada Somaliya iyo Somaliland.

    Somaliland waxaa loo baahan yahay:
  1. In mucaawimada beesha Caalamku wixii ay ku taageryso toos u soo mariso Xukumada Somaliland waayo caawimada ma aha aar goosi siyaasadeed
  2. In Somaliland dadkeeda oo in ka badan 99% maanta aaminsan yihiin in ay horumar gaadheen intii ay somaliya ka maqnaayeen la dhowro xoriyadooda aas aasiga ee  baaqyada caalamiga ah ee xoriyada siyaasada,dhaqaalaha iyo bulshada
  3. In dawladaha sheega inay xuquuqda adamiga ilaaliyaan iyo ururada xuquuqda adamiga meel wariyaan in la soo saaro lana maxkamadeeyo dadkii xasuuqii Somaliland masuulka ka ahaa oo aad moodo in la aan waxbaba layska waydiineynin arintaa hadii wax laga qaban waayo waxay noqoneysaa  arin ku suntanan doonta tacadiyada ay dawaneyso UN, AU Midowga Yurub, UK iyo USA.
  4. Waxaa lagama maarmaan ah in haydaha bixiya abaal gudka nabada ay dib u eegaan sababta odayaashii iyo Siyaasiintii dhidbey nabada Somaliland looga qadiyey Abaal gudyada Caalamiga ah ee la siiyo dadka wax u qabta dadkooda iyo caalamkaba haydahaasina waxay yeelandoonaan dhaliishooda cadaalad daro.
  5. Somaliland waxay wada hadal la gashay Somaliya qobadii lagu heshiiyey Somaliya way ka muquuratey bulshada caalamku waxba kama odhan Somaliya caadisna laguma saarin.

    Ugu dambeyn  dalalka iyo bulshada caalamka ee daneenaya arimaha Somaliya iyo Somaliland waxaa la gudboon inay indhahooda u furan si balaadhan oo aaney dhinac qudha uun waxba ka eegin balse u fiirsadaan ficiladooda iyo waxtarkooda meesha ay marinayaan.

    Waxaa aan qabaa in aan weli lagaadhin wakhtigii la odhan lahaa Somaliya iyo Somaliland baa wada hadlaya balse waxaa la joogaa wakhtigii labadaba laga taageeri lahaa hanaanka geedi u socodka dhismaha laba qaran oo si isku mida loogu taageero af iyo aduunba iyaga oo sidaa u kala gooniya markey sidaa ku soo dhismaana ee Somaliya Cagaheeda isku taagto afti laga qaado dawlad ay soo dhisato ka dib la qaban qaabiyo wada hadalka oo bisil.

    Hadase waxaa bulshada caalamka la gudboon iney ka taxatirto khalad weyn oo ah qasab iskugu geyn laba dal oo markii horaba iyagu ikhtiyaarkooda isku raacay arintaasi hadii bulshada caalamku isku daydo wixii ka dhasha iyaga ayaa masuul ka noqondoona.

    Dadka Somaliland waxay tirsanayaan dhibaatooyin badan oo ka soo gaadhey dalal badan oo caalamka ka mida oo lagu xasuuqay dhaqaalihii iyo hubkii ay Somaliya siinjireen waxaana kow ka ah dalka Mareykanka oo ku andacooda in uu dhiso dimoqraadiyada,waa marag madoonto in hubkii iyo dhaqaalihii dadka mareykanka ee uu ku caawinayey dawladii Somaliya ee Siyaad Bare lagu xasuuqay in kabadan 0.8Milyan  oo qof oo Somalilander ah, hadaba dawlada mareykanku muxuu yahay nacaybka ay u qabto dadka reer Somaliland oo mar walba dhinaca xun uga eegto arimahooda.

    Dadka Somaliland maha kuwo aan la socon cadawgooda iyo Saaxiibkooda,waana kuwo ogsoon warn aka haya waxaa hareerahooda ka dhacaya,balse waxaa la gudboon dalal badan oo caalamka ka mida iyo jaarka Somalilandba iney masxada ku hayaan in aaney Somaliland gobanimadeeda ahayn mid dhayal ah oo meel cidla ah iska taagan siu fududna lagu wiiqi karo balse waa arin ka gundheer sida aad moodeysaan taariikhda ayaana warindoonta mustaqbalka ifaya ee Qaranimada Somaliland.

     

    Waad Mahadsantiin


M J Farah Innovative Educator


source: hogaanka.org
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...