Cadaalada Masuuliyinta Ciidagale iyo Cidlada ay Dadkoodu Fadhiyaan.

0
Saturday May 23, 2020 - 08:48:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaalada Masuuliyinta Ciidagale iyo Cidlada ay Dadkoodu Fadhiyaan.

    W/Q: Osman Omar Dool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Osman Omar Dool

Nuuradiin Shcool Vs Caalami School.

Wasiir Axmed Toorno Vs Ex Wasiir Samsam.

 

Abdirahman Seed Ahmed waa Mulkiilaha Dugsiyadda Caalami oo ka kooban shan qaybood. Waa aqoonyahan da' yar oo aan anigu garanayo maalintuu dhashay! Labadayadda qoys ayaa walaalo ahaa reer Jaamac Cilmi iyo Reer Axmed Aw-Jaamac.

 

Abdirahman waa Mulkiilaha iyo aasaasaha Dugsiyadda Caalami muddo laga joogo 14 sanno isagoo ka bilaabay fasal kali ah. Masha Allah maantana uu marayo 5 qaybood. Haddaba waxa dhacday markii Wasiirka waxbarashadda iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda S/land loo magacaabay Mudane Axmed Daarood(Axmed Toorno) oo ay qaraabo aad isugu dhow ay yihiin, in uu C/raxmaan Seed abaabulay xaflad weyn oo lagu soo dhaweynayo Wasiir Toorno iyadoo ayna dhicin intii Madaxweyne Muuse Biixi uu xilka hayey in wasiir xaflad soo dhaweyn ah oo intaa leeg loo qabtay isaga mooyee!

 

Hadaladii uu C/raxmaan maalinta Xafladaa ka yidhi isagoo Jin Dagaagaynaya waxaa ka mid ahaa " Gaxajisow, Yaan loo kala eexan labadda Madaxweyne ee aynu abtiga u ahayn. Ina Cigaal ARR. iyo Muuse Biixi". Waxaasoo hadal ah ee uu C/raxmaan Seed lahaa ee Jindagaagaynta ah wuxu ku taageerayey adeerkii Toorno! Haddaba yarkii filaayey in adeerkii Wasiir Toorno uu wax u taro maxaa qabsaday?????

 

Iyadoo labadaa nin ee isu adeerka ahi aanay dib u kulmin waa tii dhawaan Dugsiyaddii waxbarashada oo dhan la fasaxay Xanuunka Covid19 awgii. Mudo yar ka dib ayay Dugsiyada Gaarka loo leeyahay oo iyagu ku jira Dhismayaal Kiro ahi ay u yeedheen waalidiintii Ardayda si ay Guno u weydiistaan, iyadoo arintaasi ay jirto ayuu Wasiir Toorno Kormeer ku soo maraya Dugsiyo 11 ah ka dib wuxuu Wasiirku soo Dacweeyay dhamaan Schooladii.

Hadaba ma 10 School mise Schoolka Caalami. 10 Shcool wuxuu dacweeyay Maamulayaashii oo uu Dugsiyada ugu tagay lakiin muu dacweynin Mulkiilayaashii, nasiib daro Caalami School wuxuu dacweeyay Mulkiilihii oo ah Cabdiraxman Seed oo ah yarkii uu adeerka u ahaa. A

 

Markii ay Edo Wasiir ZamZam Jeegani ay ahayd Wasiirka Tacliinta waxay si toos u gacan qabatay Mulkiilaha Nuuradiin Shcool Mr. Mahad Nuuradiin iyadoo xitaa siisay Dhismo uu dhisto.

 

Bal amuurta Ilaahay kii Ciidagale ee meel yar loo dhiibaba isagoo aad moodo gantaal la soo riday ayuunbuu ku dhex Qarxayaa meeshii ay aheyd in uu doono xaqa ka maqan.

 

Odeygii hore ayaaba dhaamay ee Axmef Toornana ha dhaco.

Waaba ninka Inankii yaraa ee Ina Seed ku daray Dacwadii Maamulayaashii Schoolada iyadoo Mulkiilayaashii la midka ahaa aan mid keliya la soo dacweynin.

Ilaahauow Samsam Jeegaan oo kale noomad waayin.

 

Warbxinta waxaa ila wadaagay qaar ka mida dhalinyarada Hargeisa gaar ahaan dhinaca Ma Yeedhaanka oo kaliya loo baahday markii dhiiga loo qubaayay.

Burco Duuray +Kaymaha Awaare= 70 dhintay oo isku maalin lagu aasay Rabaso.

 

Ma Talaabadii Maxamed Mooge

Ayaanay timihii kuu muuqan.

 

Waar manfaceeda ha loo sinaado

 

W/Q: Osman Omar Dool


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...