Tanzania Oo Qaab Ka Duwan Dalalka Kale Ula Tacaalaysa Fayraska Korona

0
Saturday May 23, 2020 - 08:29:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tanzania Oo Qaab Ka Duwan Dalalka Kale Ula Tacaalaysa Fayraska Korona

    Dalka Tanzania ayaa qaaday dhabo ka duwan tan uu caalamka intiisa kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Tanzania ayaa qaaday dhabo ka duwan tan uu caalamka intiisa kale

kula tacaalayo Fayarska Korona ee safmarka ah.



Xilli ay dalalka adduunka xayiraado kusoo rogeen shacabkooda, isla markaana la xakameeyay socodka, ayaa dalkaasi ku yaalla Bariga Afrika waxa uu go'aansaday in aanu tallaabooyinkaasi raacin.


Inkastoo aanay jirin qaab si dhab ah loogu xakameyn karo faafidda cudurka, ayaa haddana waxaa la isku raacsan yahay in cabirka heerka uu gaarsiisan yahay faafidda Fayraska ay muhiim u tahay la tacaaliddiisa.


Tan iyo 19-kii April, Tanzania ma aanay shaacin xogta kiisaska cusub ee Fayraska Korona ee dalkeeda.


Madaxweyne John Magufuli ayaa su'aal geliyay kalsoonida lagu qabi karo qalabka lagu baaro Fayraska, waxaana uu amray in la xiro sheybaarka qaranka, bil kadibna waxa uu shaaciyay in dalkiisa uu ka guuleystay cudurka safmarka ah.


Lama oga in dib loo billaabay baaritaannada cudurka ee dalka Tanzania.

Safaaradaha ajnabiga ee waddankaasi ku sugan iyo dalalka jaarka ah ayaa walaac ka muujiyay go'aanka Tanzania.


Safaaradda Maraykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay feejignaan badan muujiyaan, iyadoo sheegtay inay sareyso fursadda ah inay cudurka ka qaadaan magaalada Daaru-salaam.


UK-na waxa ay muwaadiniinteeda kala baxday waddankaasi.


Dalka deriska la ah ee Kenya ayaa dhawaan sheegay in 182 ajaanib ah oo ku sugnaan xuduudda ay labada dal wadaagaan laga helay cudurka, sidaana loogu diiday inay soo gudbaan.


Go'aankaasi ayaa ka caraysiiyay xukuumadda Tanzania, waxaana ay mas'uuliyiinta waddankaasi ku eedeeyeen Kenya inay boqnaha jarayso waaxdooda dalxiiska.


Zambia ayaa xiratay xuduudda ay la leedahay Tanzania, kadib markii ay ogaatay in kiisas badan ay uga yimaadeen gediga kale.


Waxaan shaki ku jirin in tallaabooyinka ay qaaday Tanzania ee ku aaddan xanuunkan safmarka ah bilaha iyo sanadaha soo socda laga baran doono casharro badan.

 

BBC

Loading...
Loading...