Talo Kuu Horseedi Karta Inuusan Kugu Dhicin Cudurka Corona

0
Saturday May 23, 2020 - 08:26:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Kuu Horseedi Karta Inuusan Kugu Dhicin Cudurka Corona

    "Daraasadda oo lagu daabacay bogga cilmi baarista ayaa lagu ogaaday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Daraasadda oo lagu daabacay bogga cilmi baarista ayaa lagu ogaaday"

Inaad gacmahaaga dhaqdid ugu yaraan 6 ilaa 10 jeer maalintii waxay suurtagal ka dhigi kartaa inaysan kugu dhicin cudrrada la kala qaado ee uu ka mid yahay coronavirus, sida lagu sheegay daraasad ay soo saareen cilmibaareyaal u dhashay UK.


Lis Dairy

Waxaa daraasaddaas lagu eegay xog la soo saaray intii u dhaxeysay sannadihii 2006 ilaa 2009, oo ku saabsaneyd fayrasyo la isqaadsiiyo ah oo aad ugu dabeecad dhowaa xanuunkan safmarka ah ee hadda ku wareegaya caalamka.


Fayrasyada ka dhasha corona waa qoys cudurro ah oo inta badan sababa xanuun aan aad usii darneyn, oo la mid ah sida hargabka la wada yaqaanno.


Dhammaantood, oo uu xitaa ku jiro safmarka corona ee hadda socda, waxaa lagu dili karaa saabuun iyo biyo.


Sannad kasta xilligiisa qaboobaha, golaha cilmi baarista caafimaadka waxay dadka ku nool England weydiiyaan inay isku arkeen calaamado u eg hargabka oo neefsashada ku adkeeya, waxayna tijaabiyaan dadka ay ku dhaceen xanuunnada sahlan ee hoostaga coronavirus.


Daraasadda oo lagu daabacay bogga cilmi baarista ayaa lagu ogaaday in 1,663 qof oo ka qeyb qaatay ay muujiyeen inay yartahay fursadda uu ugu dhici karo cudurka haddii ay gacmahooda dhaqaan ugu yaraan 6 jeer maalintii.


Hase ahaatee, in gacmaha la dhaqdo wax ka badan 10 jeer maalintii uma muuqato inay sii yareyneyso fursadda uu kugu haleeli karo coronavirus.


Dr Sarah Beale, oo ka mid ah khubarada wax ka qoray daraasadda, kana tirsan Jaamacadda London, ayaa tiri: "Nadaafadda gacmaha oo wanaagsan waa in lagu dadaalo waqti kasta, haddii ay calaamadaha cudurka kaa muuqdaan iyo haddii kaleba.


"Arrintaas waxay kaa caawineysaa inaad naftaada ilaaliso iskana jirto fayraska wareegaya ee ay qabaan qaar ka mid ah dadka kugu hareereysan."


Sarkaal ka tirsan waaxda caafimaadka dadweynaha ee England ayaa yiri: "In si joogto ah gacmaha loo dhaqdo ugu yaraan 20 ilbiriqsi, waxay ka mid tahay tallaabooyinka ugu waaweyn ee lagu joojiyo faafitaanka coronavirus, gaar ahaan marka aad wasakh ka saarto sankaaga, hindhisto ama qufacdo, iyo waliba ka hor inta aadan wax cunin ama raashin karinin.


"Sidoo kale, way habboon tahay inaad gacmo dhaqashada dabeecad ka dhigato kaddib marka aad kasoo laabato meelaha ay dadka ku badan yihiin ama aad raacdo gaadiidka dadweynaha."

 

BBC

Loading...
Loading...