War Deg Deg Ah:-Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagaga Dhawaaqay Inay Bari Ciid Tahay

0
Saturday May 23, 2020 - 01:22:54 in News by
  • Visits: 5701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagaga Dhawaaqay Inay Bari Ciid Tahay

    War Deg Deg Ah:-Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagaga Dhawaaqay Inay Bari Ciid Tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagaga Dhawaaqay Inay Bari Ciid Tahay


Hargeysa(HWN):-Wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in beri oo sabti ah ay tahay maalin ciid ah lagana arkay bisha Shawaal qaar kamid ah gobolada Dalka.


Wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo goordhaw Warbaahinta dowlada la hadlay ayaa shaaciyay in beri oo sabti ah ay tahay maalin ciid ah kadib markii meelo badan laga arkay bisha Shawaal.

WAR DEG DEG AH:- Qarax Khasaare Geystay oo ka Dhacay Beled-xaawo ...


Waxa uu sheegay Wasiirka in dhoor qof oo lagu kalsoonaan karo lana sugay in ay meelo kala duwan ka arkeen bisha shawaal, waxa uuna cadeeyay in beri ay tahay maalin ciid ah isagoona umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciida.


Dowlada ayaa saacado kahor shaacisay in beri oo sabti la dhameestirayo 30-ka soon balse baaritaano iyo xaqiijin kadib ayaa ugu dambeyn Wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta shaacisay in beri ciid tahay lana arkay bisha shawaal.

Dhinaca kale wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa goor dhawayd shaacisay in maalinta bari ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidal Fidriga.

qoraal lagu baahiyey boga wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland ayaa guud ahaan shacabka somaliland loogu hambalyeeyey munaasibada ciida barakaysan ee Ciidal Fidriga

Loading...
Loading...