Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru Ku-xigeeno.

0
Friday May 22, 2020 - 21:44:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru Ku-xigeeno.

    Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Garoowe: 22 May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Dowladda Puntland.




Madaxweynaha Dowladda Puntland


Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad


Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo


Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland


Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska


2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda


3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda


4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta


5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta


6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda


7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha


8. Waxaa Maxamed Axmed Ismacil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.


Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.


=DHAMMAAD=


XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

.

Loading...
Loading...