Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Somaliland Usoo Jeediyay Inuu Iscasilo + Sababta

0
Friday May 22, 2020 - 20:06:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Somaliland Usoo Jeediyay Inuu Iscasilo + Sababta

    "Ma qabno in reerka Ilaahay naga dhaliyey uu u sed buriyey."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma qabno in reerka Ilaahay naga dhaliyey uu u sed buriyey."

Hargaysa (HWN) Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Somaliland usoo jeediyay inuu iska casilo xilka uu qaranka uhayo, kadib markii uu agaasimuhu qoraal uu ku difaacayo masuuliyiin ay isku beelyihiin uu baahiyay.




Abwaanka ayaa sheegay in haddii uu agaasimuhu iscasilo waayo uu ka codsanayo madaxwaynuhu inuu xilka ka qaado agaasimaha, waxaanu sidaasi abwaanku ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa sidan:-

Waxaa wanaagsanayd in agaasimuhu cidda uu u jawaabayo marka hore tixraac inoogu sameeyo, si ay aynu iskula eegno jawaabtiisa iyo doodda uu dhanka ka yahay. Mar haddaanu taa samaynnin agaasime guud ahaan qaranka xil u hayana uu yahay in loo jawaaba cid walba way u furan tahay.

 

Arrinka saamiqaybsigu waa arrin siyaasi ah oo aan adiga kaa go’in agaasime oo u yaalla madaxweynaha, waxa aad adiga iyo wasiirkaaguba ku shaqaysaan siyaasadda madaxweynaha qaranka ta dadku aanay ku qanacsanayna waa taas aad ka midka tahay, dheelliga saamiqaybsigana waxa lagu dhaliilayaa maanta madaxweynaha. Halka xadhigga suuryadu kaga jirto ee madaxweynaha dadkaasi ku dhaliileen waa awooddii shacabku madaxweynahooda u igmadeen oo aanu ka caddaalad samaynnin, cidina uma diiddana in uu sharciyan xaq u leeyahay in uu magacaabo, laakiin shacabku waa naqdin karaa, xaqna waxa ay u leeyihiin in ay dareenkooda cabbiraan. Dhaliishaasina haddii ay jirto iyo haddii aanay jirin jawaab adiga kuma soo gelin, adigu agaasime ayaad u tahay guud ahaan shacabka.

 

Agaasime waxa aad tidhi, "Ummad dhan oo Somalilander leh, oo gaal leh, oo Islaam leh ayaa adeeg u soo doonatee, ma "reerkooda" ayuu uga eexdaa ummadda kale? Miyaad caddayn u haysaa?” Haa agaasime caddayn baan u hayaa caddayntana meel fog kama doonayee adigaa isku caddeeyay waxa aad isla qoraalkan xagga danbe nagu tidhi, "Ma qabno in reerka Ilaahay naga dhaliyey uu u sed buriyey.” Agaasime adigu agaasimihii caddaaladda Somaliland oo dhan baad tahaye yaa ku yidhi, "Afka reerkiinna ku hadal.” Qofka dooddan qabay ee reerka Ilaahay ka dhaliyay adiga ahayn ee qarannimo ahaan wixii uu lahaa kala hadlay ciddii ay khusaysay sow uma aad caddayn in aad cid reerkiina ah uga eexan karto iyo in aad reernimo ku tagtay kursiga aad ku fadhido marka aad wixii ka weynaa ee Somaliland oo dhami wadaagayeen iyo masuuliyaddaadii hoos uga degtay?

 

Agaasime Dadka dhaliisha sheegayay ma reer bay wax ka sheegeen oo ay dulmi ka tirsadeen mise hoggaanka xukuumadda maanta? Reerka maxaa hadalkaaga ku soo daray masuul? Haddii se doodda aad ka jawaabaysay mid la mid ah ay qabaan dad aad isku reer tahiin sida Xamda Cigaal, Cawaale Deeqsi, Ismaaciil Ubax, Dr Cabdishakuur, Nuura Cali Banfas, Hana Moha’med iyo kuwa kale oo badan maxaad iyagana ugu jawaabaysaa?

 

Agaasime waxa aad tidhi adigoo madaxweynaha u jeeda, "Waxa uu noo xushay in aanu u shaqaynno ummadda dooratay ee uu u dhaartay.” Agaasime muxuu kugu soo xushay ee aad bulshada afarta milyan ah uga mid noqotay 26 ka agaasime ee qaranku leeyahay? Ma imtaxaan baad u gashay? Ma karti iyo aqoon aad dadka dheer tahiin oo la isku raacsan yahay baa? Hadday haa tahay jawaabtaadu caddaymo aannu ku qanacno ma noo soo raacin kartaa? Agaasime annaga oo jawaabta ka sugaynna haddana wixii lagugu soo xushay in aanad garanayn baan jecelahay waxa se garanaaya kii ku soo xushay.

 

Agaasime markii aad qoraalkan qoraysay kee baad ahayd ma agaasimahayagii wasaaradda caddaaladda mise afhayeen reereed? Agaasime bil kuli ixtiraam anigoo ku qaddarinaaya adigu su’aalaha nooga soo jawaab adigaa dadka masuuliyad u haya oo ay qalad kugu ahayd in shacabkii kula xisaabtami lahaa la soo xisaabtantaaye.

 

Agaasime tan maanta joogta ee dadku ka hadlayaan iyo dooddan kuma burin kartid lixdankii afar nin oo la diray oo reer u badnaa, haddii dadkaasi berigaa ku qanacsanaayeen kalsooni lagu qabay kuwa la diray iyo cidda dirtay in ay jiri karto oo taasi maanta aanay jirin ma is weydidisay? Mase eegtay muddadaasi wixii is beddel dhacay? Agaasime gaalada ka badhka ah muwaddiniinta aad u tahay agaasimaha caddaaladu xaggee ayay kaga nool yahiin wadanka? Ma dhawr qof baa gaalada aad agaasimaha u tahay imisa ayay ka yahiin saami ahaan (perentage) bulshada Somaliland, waxa aan ognahay in wadanka iyo dastuurkuba yahay wadan islaam ah oo aan wax aan islaam ahayna la faafin karin?

 

Waxaa la yaab leh in agaasimihii wasaaradda caddaaladda haddaa waa caddaaladdii qaranka oo dhan isagoo xafiiskii agaasimaha caddaalada dhex fadhiya sidii caaqil reereed bulshadii uu masuul ka u wada ahaa badh dooddoodii deedifeynaaya. Siduu qaranka ugu sii shaqayn karo ee uu weliba wasaaradda caddaaladda u sii dhex fadhiyi karo ma garan karo. Agaasime waxa aan ku soo jeedinayaa in aad xilka ummadda aad u hayso iskaga degto oo aad is casisho, haddaad diiddana waxa aan madaxweynaha ka codsanayaa in uu shaqada aad ummadda u hayso uu kaa qaado maadaama shaqaalaha kale ee arrimaha siyaasadda ka hadlaba haayadda shaqaaluhu erido
Loading...
Loading...