Dawlada Maraykanka Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqday Inuu Qabto Kulan Doorashada Lagaga Hadlo

0
Friday May 22, 2020 - 17:49:52 in News by
  • Visits: 1225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Maraykanka Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqday Inuu Qabto Kulan Doorashada Lagaga Hadlo

    Dawlada Maraykanka Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqday Inuu Qabto Kulan Doorashada Lagaga Hadlo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Maraykanka Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqday Inuu Qabto Kulan Doorashada Lagaga Hadlo

Muqdisho(HWN):-Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan u qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka, si looga wada hadlo qorsheynta doorashada soo socota, iskaashiga amniga, iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta leh ee qaranka.




 
 
Maraykanka wuxuu sheegay inuu aad uga xunyahay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada aysan wali ka heshiin arimaha doorashada, isagoo ka walaacsan in jadwalka doorashadu dib u dhac ku yimaado.


Bayaanka dowladda Maraykanka kasoo baxay waxaa sidoo kale barlamaanka Soomaaliya loogu yeeray inuu meel mariyo shuruucda doorashada iyo in Muqdisho iskugu yimaadaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka, bulshada rayidka ah, iyo daneeyayaasha kale ee ay quseyso si ay u gaaraan is afgarad ku saabsan geedi socodka doorashada.


Maraykanka wuxuu walaac xoogan ka muujiyay loolanka siyaasadeed ee ka socda qaar kamid ah gobolada, kaasoo saameyn ku yeeshay dagaalka Al-Shabaab.
Loading...
Loading...