'' Aniga Iyo Saaxiibkay Barud Midkaayana Ma Qaldana ''.

0
Friday May 22, 2020 - 15:46:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Aniga Iyo Saaxiibkay Barud Midkaayana Ma Qaldana ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Saaxiibkay Barud wuxuu shaqadda ka bilaabay macalinimo , ka dib macalinimadii master buu doontay , hadana wuxuu qaatay Phd isagoo ku diyaariyey Education planing .


Aniguna axmed ahaan , waxaan shahaadada koobaad ku qaatay Law , shaqadana waxaan ka bilabay Looyarnimo , ilaa hadeerna looyar uun baan ahay .waxa kale oo aan Diploomooyin yaryar ku qaatay History of war and war strategy in kastoo dadku aanay wada ogayn .



Yaraantaydii ayaan siyaasadda xiisaheeda ku biiray , xisbiyadana 2001 ayaan la jaanqaaday , saaxibkayse waxoogay buu iga yara danbeeyey .

Maxaaanu ku kala duwanahay .


Saaxiibkay mar walba aragtidiisu waxay ku salaysan tahay oo center u ah diyaarinta waxa uu odhanayo , siduu usoo diyaarinayo iyo siduu u habaynayo waayo xirfadiia ayaa sidaaas ah .


Aniguse aragtidayda waxaa saaman ku leh looyaranimadda iyo daraasadaha badan ee loolanadda , waxaana sal-dhig u ah gaadhista natiijadda iyo yoolka , maxaa yeelay looyarnimaddu waa dagaal aan naxariis lahayn .


Si kastaba ha ahaatee , looyarku wuxuu qanciyaa macmiilkiisa , waxaanu ku dadaalaa in macmiilkiisu guulaysto , prof wuxu ku dadaalaa in uu dadka oo dhan qanciyo , markaa aniga iyo saaxiibkay midkaayana ma qaldana maxaa yeelay anigu imika cidaan qancinayo waan garanayaa isna siduu dadka oo dhan u qancinayo wuu garanayaa .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...