Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 29aad
Haa, Ramadaan baxday ee maxaynnu ka faa’iidnay ee waxtar inoo leh, waxqabadyadii wanaagsanaa ee aynnu la iman jirnay halkaynu ku tuurayna; salaaddii badnayd, Quraan akhriskii, duco iyo xuskii Alle me?
Ma ogtahay waxqabad la qabto ka ugu gobsan in uu yahay ka la joogteeyo sida Rasuulku ba CSW sheegay, "Camal la qabto waxa ugu khayr badan kala joogteeyo haba yaraade.”Sidaa darteed waa inaynaan noqon dad haan gunta ka daloosha dhaamiya, "Hala nooc noqonina sida tii xadhiga ay soohdo gelinka hore furfurta gelinka dambe.”Se waxqabadkii wanaagsana ee aad Ramadaanta samayn jirtay haddaad halkaa kaga hadho islaantaa Ilaahay tilmaamay uun baad la nooc noqon.
Waa su’aalle waxqabadyada wanaagsan ee aad la sugto Ramadaanta miyaad hubta in aad Ramadaanta dambe aad gaadhi doontid?Haddaad leedahay ta dambe ayaan Quraanka intaa akhrine ma lagu sii sheegay in aad ta soo socotana aad gaadhi doontid?
Sidii aynnu ugu dedaali lahayn waxqabadyadeenna aynnu ka soo barannay bishii barakada badnayd ayeynu dhawrkan tusaale u keeni doonnaa in aynnu la nimaadno:-
§ In aynnu ilaalino oogista salaadaha sunnayaasha ah (Rawaatibta, salaadda habeenkii).
§ Quraanka in aynnu jadwal maalinle ah u samaysanno).
§ Sadaqada in aad ogaato bixinteeda.
§ La saaxiibidda dadka ehlu khayrka ah.
§ Ku xidhnaanshaha masaajidka.
§ In aad noqoto mid dadka wanaagga fara, xumahana ka waaniya.
§ In aad diinta barashadeeda wakhti u samaysatid.
§ In aad soonka sunnaha ah ku dadaashid.
Intaa waxa aynnu ku soo afmeeri doonnaa qoraaladeenni ‘Axmaanta Soonka’. Dhammaantiin akhristayaal waxa aan marti idinka ahay in aad ila wadaagtaan wixii khalad farsamo ah, ama khalad diini ah ee maqaaladan ku jira, si kuwa dambe aynnu uga saarno.
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Email: [email protected]
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!