Sanadihii Dugsiga Faarax Oomaar……………(1-2) W/Q: Maxamed Heebaan.
Markaan ka gudgay dugsiga dhexe ee Guryo Samo, waxaan go’aan saday inaan fasalka 9aad ka boodo, oo aan u gudbo kan 10aad. Su’aasha kaliya ee aan is waydiiyay waxay ahayd, "haddaan fasalka 10aa u boodo, ma la socon karaa wax barasho ahaan?” Maadaama aan rumaysnaa inaan la socon karo, arrintii waan ku dhaqaaqay.
Laakiin in
fasal laga boodo sharci ma ahayn lamana ogolayn. Dariiraqa kaliya oo arrintaas lagu hirgalin
karay wuxuu ahaa, inaan iska dhigo inaan Itoobiya hadda ka imid, oo aan maro
barnaamijkii loogu talo galay in lagu meeleeyo ardaydii ka imanaysay
Somaali-galbeed. Sidii baana yeelay.
Waxaan ku biiray fasalka 10aad ee dugsiga Faarax Oomaar, arrintaasna aad baan ugu farxay markay ii hir gashay. Laakiin farxadaas qoomamo ayaa iiga dambaysay: Markaan ka baxayay fasalka 12aad, imtixaankii ugu dambeeyay ee fisigisku wuxuu ka koobnaa lix su’aalood, oo laba ka mid ah toos looga soo qaatay fasalkii 9aad ee aan ka booday! Afartii su’aalood ee kale, dhib iguma ahayn, oo isla markiiba waan ka shaqeeyay. Laakiin labadii su’aalood ee laga keenay fasalka 9aad ayaan meel aan u dhaqaajiyo garan waayay. Aniga oo ku dhaygagsan labadii su’aalood, oo warqadii fiirinteeda indhuhu igu daaleen, ayaan soo xusuustay heeskii Saynab Xaaji Cali Baxsan ee ahaa: "Alif kaa xumaadaa, Al-Baqruu ku dhibaayood ardadii ka hadhaaye!” Maalintaas iyada ah, iyo ilaa manta, mar kasta oo aan xusuusto, waan qoomameeyaa fasalkaas aan ka booday!
Waxaan isku fasal noqonay dhowr arday oo iyaguna
Itoobiya ka yimd: Cali-waal iyo Cabdi-Buntukh waxay ka yimaadeen Jigjiga. Seef
Jaamac Fadan wuxuu ka yimid Awdal, dhinaca ay Itoobiya haysato, laakiin ma
garanayo magaalada ama tuulada uu ka yimid. Xasan Cali Bulxan iyo Xasan Barteeli waxay ka yimaadeen Dhagaxbuur. Mawliid Cabdi Axmed wuxuu ka yimid Fiiq.
Mustafe Cabdi Xasan wuxuu ka yimid Wardheer.
Seef wuxuu lahaa asxaab aad u fara badan oo dhalin yarada magaalada ah, ardayda Itoobiya ka timid qaarkood ma jeclayn arrintaas iyada ah, waxayna Seef ku xaman jireen inuu isu arko inuu ka sarreeyo ardada qaxootiga ah. Aniga runtii sidaas iiguma aysan muuqanin. Maadaama Seef uu lahaa asxaab fara badan, waxaan u arkayay inaysan waxba ku jabnayn hadduu saxiibadiis la mushaaxo, oo uusan isku koobin ardayda qaxootiga ah kaliya.
Faarax Oomaar berigaas wuxuu lahaa sedex qaybood kaliya: 9, 10, iyo 12. Ardada fasalka 12aad waxay ahayaayeen kuwii waxbarashadoodii oo idil ku qaatay luqada Ingiriisiga, waxayna noola muuqdeen inay duni kale ku nool yihiin, oo nama soo dhex gali jirin. Sidaas darteed ardaydayada fasalka 10aad waxaan u dhaqmi jirnay sidii aanu iskuulka madax ka nahay. Tusaale, waxaa caada ahayd in ardayda fasalka 10aad qaarkood inay soo booqdaan qaybta fasalada 9aad waqtiga nusa-saaca ah, si ay woxoogaa hoos ugu fiiriyaan, ama ay isaga sarraysiiyaan. Dadka arrintaas ku caan baxay waxaa ka ahaa Afar gabdhood oo fasalka 10aad ah, oo wada socon jiray, meel walbana wada mari jiray. Meel kasta oo ay maraan iyo cid kasta oo ay la kulmaan hablahaasi, waxay u muujin jireen inay yihiin gabdho khatar ah, oo aan loo gali Karin. Runtiina wiilasha fasalada 10aad ayaaba iska ilaalin jiray, oo aan badanaaba ku dhiiran jirin, oo dariiqa u bannayn jiray.
Maalin ayaa Afartaas hablood waxay tageen qaybtii
fasalada 9aad. Ma xusuusto inay tageen
wakhtigii qadada, iyo inay tageen wakhtigii iskuulka laga rawaxay. Laakiin waxay tageen fasalada oo aan cidi
joogin, waxayna sabuuradda ku qoreen heeskii Hibo Maxamed oo wakhtigaa hawada
Somaaliya haystay:
"Quruxda yaan u leenahay….Qalabka yaan u sidanaa?.” Laakiin dhexda ayay ka badaleen
"Haddaydaan wax nala qaban …..ma FORM ONES qadhmuun buu…….. noo qoray ilaahay?!”
Wiilashii fasalada 9aad dhaawac weyn ayaa gaadhay, oo xanaaq ayay kaga dhagtay! Ma garanayo inay rag gabyaa ah lacag siiyeen, iyo in dhaawaca loo gaystay uu iyaga gabyaa ka dhigay, balse waxay soo daabaceen gabay oo ay iskuulka ku qaybiyeen, waxaana erayadiisii ka mid ahaa:
"Afartaa qallalay …….ee sidii qumayo luudaaya
Ee waliba qadaadkii jartee…. timaha qaar xiiray
Ee diintii qaaliga ahayd… qodobo naafeeyay……..”
Kokii ay wiilashii fasalada 9aad is difaaceen, afartii gabdhood faraha ayay ka qaadeen, oo caydii way joojiyeen.
Ardayga fasalkayaga ugu fiicnaa dhinaca
waxabarashada wuxuu ahaa arday la odhan jiray Xuseen Ismaaciil Cabdi. Xuseen wuxuu ahaa arday fahmo badan. Naanaystiisa cid waliba ugu yeedhi jirtay
waxay ahayd Xuseen Dhiqle, oo ahaa gabyaagii caanka ahaa ee Sayidka gacan
yaraha u ahaa ee xusuusta cajiibka lahaa. Xuseen wuxuu ahaa wiil degan, oo dabeecad macaan. Waxaa kale oo uu ahaa wiil daraasad madax
banaan ku jira oo iskii wax isu bara. Maalin baa wuxuu I tusay waraaqo fara badan oo ingiriisi ah oo uu
gacantiisa ku qoray, oo ku saabsan boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Markaas ayaa waxaan is idhi, "Aniguna xiisad
walba oo ingiriisi ah waan ka dhuuntaa, isaguna boqortooyadii Cusmaaniyiinta
ayuu iskii isu barayaa!” Farqiga aniga iyo isage noo dhexeeya ayaan ka yaabay.
Macallinka kimisteriga noo dhigi jiray waxaa la odhan jiray Ina-giirre, wuxuuna ahaa macallin fiican, maadadiisa xiiso u haya, jecelna inay ardaydu wax bartaan. Aradayga uu ugu jeclaana wuxuu ahaa Xuseen Ismaacill Cabdi. Mar kasta oo uu Ina-giirre damco inuu tilmaamo sida haboon ee tijaabo loo sameeyo, ama warqad kimisteri loo qoro, wuxuu soo qaadan jiray waraaqihii Xuseen mid ka mid ah, wuxuuna hadalkiisa ku billaabi jiray, "sida uu qoray Xuseen Ismaaciil Cabdi………”
Maalin aan u malaynayo inaan wali dhigan jiray dugsiga dhexe, ayaan bangiga hortiisa soo maray. Bangiga waxaa u dhowaa xarun ka mid ah kuwa hanuuninta-dadweynaha, oo lahayd boodh weyn oo ay ku qoran tahay "Midowga Soofyeeti iyo Somaalida Maanta” Waxayna soo bandhigi jireen arrimo xiiso leh oo ku saabsan xidhiidhka labada dal. Mar kasta oo aan meelahaas soo maro, waan ku leexan jiray si aan u akhriyo waxay soo bandhigeen, maadaama wax kasta uu af-somaali ku qornaa. Maalitaas iyada ah, waxay soo ban dhigeen taariikh nololeedkii Vladimir Lenin, hogaamiyihii hore ee Midowga soofyeeti, taariikhdaas oo sawirro ah. Waxaa sawirradaas ka mid ahaa, Lenin oo da’yar; isagoo markaas jaamicadda ka baxay; isagoo Yurub qaxooti ku ah; isagoo aasaasaya Bolshafiks; isagoo madaxweyne noqday; iyo isagoo aad u il daran oo aad moodo inuu indha beelay.”
Sida ay dadka reer Hargeysa u badnaayeen, anigu
dan kama lahayn Lenin, hantiwadaag, Ruush iyo Soofyeetka midkoodna. Runtii maba maqli Karin midkoodna. Dhallin yaro nimadu mararka qaarkood jar bay
kaa tuurtaa. Marka intaan is illoobay,
oo aan far iyo suul isku qabtay, ayaan si cadowtinimo leh Lenin isha uga
gujiyay, oo aan idhi, "Nacaladi kugu dhacday!” Nin Guul-wada ah, oo dhar caadi ah xidhan oo garabkayga taagnaa, ayaa
igu soo booday, oo gacanta igu dhagay, isagoo leh, "War yaa maxaad tidhi?!”
Waan argagaxay oo waxaan ku hadlo ayaan garan waayay! Guul-wadihiina wuxuu damcay inuu saldhigii
waynaa oo booliska oo aan sidaa nooga fogayn ii kaxeeyo.
Haddaad arrin dowladda kasoo horjeeda ku kacdo, malaha Hargeysa waa Meesha ugu fiican! Nin ka mid ah dadkii boodhadhka akhrisanayay ayaa iisoo gurmaday. Intuu Guul-wadihii indhaha ka fiiriyay, ayuu si xaqiraad iyo jees-jees ku jiro ku yidhi, "Muxuu yidhi? Ma Nabiguu caayay? Waar wax yahow inanka faraha ka qaad!” Guul-wadihii intuu isku yaxyaxay, ayuu Isiidaayay. " Whew!”
Laakiin dadka fikradoodu way is bedeshaa. Markaan ka baxayay fasalka 12aad, ayaa maalin aniga iyo saaxiiday oo ku qayilayna xaafada Iftin, ayaa waxaan maqalanay durbaakii la tumi jiray berigii hantiwadaaga, oo muddo dheer maqalkiisa noogu dambaysay. Markaas ayaan hal mar wada nidhi, "Wallee nabad galyo iyo barwaaqo, berigaasaa u dambaysay!” Marka la qiyaaso sidaan u necbaa qolyahaas, weligay isma odhanin hadalkaas oo kale ayaad ku hadli doontaa. Laakiin, aniga iyo saaxiibadayba, hadalkaasi niyada ayuu kasoo fakaday.
Maalin ayaa arday badan isku soo xoontay meel u dhow albaabka maamulaha iskuulka. Ma xusuusta in imtixaan natiijadiisii gidaarka lagu soo dhejiay, iyo waxay ahayde, laakiin arday fara badan ayaa isugu timid. Dabcan arday waliba si uu ugu dhowaado oo magaciisa u fiiriyo, meeshii cidhiidhi ayay noqotay. Dabadeedna waxaa isku dhacay Seef Jaamc iyo gabadh ardadii Meesha isku cidhiidhyaysay ka mid ah. Seef iyo gabadhii hadallo ayay is waydaarsadeen. Isla waqtigaas waxaa meeshii soo maray macallin dhigi jiray af-ingiriisiga, oo malaha gabadha qoyskeeda yaqiinay. Macallinkaasi wuxuu ahaa nin laf u dhashay, jidhkiisu si fiican u dhisan yahay, oo laba-arday oo dugsi sare ka baxaya si dhib yar feedh ugu muquunin kara. Seefna wuxuu ahaa wiil gaaban oo laf-yar.
Macallinkii kaliya wuxuu sugay inuu ogaado qofka
ay gabadha murmayaan midka uu yahay. Markay u cadaatay inuu Seef yahay, macallinkii feedh buu duubtay,
dabadeedna intuu is kala bixiyay ayuu ninkii Seef oo halkan iska taagan, oo aan
waxba iska filaynin ayuu qalbadda ku dhuftay! Seef intuu cirkaa u kacay, ayuu salka dhulka ku dhuftay!
Seef runtii arrintaas ma mutaysanin, waayo
gabadha muusan caayin, jidhkeedana ma taabanin. Kaliya hadla taag-taagan ayay
is waydaarsadeen. Wixii meeshaa ka
dhacay waaba la ogaa: ardaydii Meesha joogtay oo dhan xanaaq ayay is hayn
waayeen. Qaarkood macallinkii way ku
qaylyeen; qaar candhuufbay ku tufeen; qaar way yare-riixeen; qaar laad-yar bay
u qariyeen. Ninkii Seef oo ilaa 15 arday ay u hiilanayaan wuxuu rabuu
sameeyeey. Macallinkii qiyaamaa ku dhacay! Buuqii iyo is jiidashadii iskuulka albaabkiisa weyn ayaa la iskala
baxay, haddana muddo kadib gudaha ayaa laysla soo galay.
Markii uu buuqii damay, ee meeshii lagu kala tagay, ayaan arkay macallinkii oo meeshii kasoo dhaqaaqay oo aad moodo in koox dhurwaayo ah ay cidla ka heleen. Shaadhkiisii cusbaa ee uu subaxdaa xidhnaa xabadi kama hadhin, markii oo socdayna macallinku indhihiisa dhulka kama qaadaynin oo dadka ma fiirin Karin, waayo wuxuu ogaa dhibaatada soo gaadhay oo dhan inuu isagu masuul ka ahaa. Runtii, lama illaawaan ayay ahayd sida ay ardada Faarax Oomaar ugu dhiidhiiyeen xad-gudubkii uu macallinkaasi ku sameeyay ardaygaas, oo ay macallinkaas u siiyeen dersi lama illaawaan ah.
Safar ka yimid Somali-galbeed ayaa geel badan Hargeysa keenay, geeliina waxay ka iibiyeen nin ka mid ah tujaartii Hargeysa ee xoolaha Berbera ka dhoofin jirtay. Sida ay tujaartaasi xoolaha ku gadan jireen waxay ahayd inay qiimo kula heshiiyaan nimanka xoolaha leh, oo ay heshiiskaas afka, iyaga oo aan wax lacag bixinin, xoolihii kula wareegaan. Dabadeedna waxay xoolaha u dhoofiyaan Sacuudiga iyo Khaliijka. Dabadeedna markay soo gadaan xoolaha, ayay nimankii ay xoolaha lahaa siiyaan lacagtii ay kula heshiiyeen, faa’iidadana iyagu qaataan.
Ninkii safarka geela ka gatay, markuu geelii geeyay Berbera, oo damcay inuu dhoofiyo, ayuu si kedis ah oo lama filaan ah u dhintay! Ninku malaha lacag badan oo malaayiin ah ayuu ka qabay Bangiga ganacsiga. Markuu banigigii maqlay inuu ninkii ay lacagta ku lahaayeen uu dhintay, bangigii wuxuu la wareegay ninkii wixii uu xoolo lahaa oo dhan. Waxaa kale oo uu bangigii la wareegay geelii uu maalinta dhoweyd heshiiska afka ah ku iibsaday, balse uusan wax lacag ah ka bixinin.
Nimankii geela lahaa waxay ka war heleen arrinta bangigu sameeyay habeenkii geela laga dhoofinayay dakadda Berbera. Nimankii u doodayay nimankii geela lahaa waxay usoo dacwoodeen Gudoomiyihii gobolka Bile Rafle, oo habeenkaas khudbad ka jeedinayay mid ka mid ah xarumihii hanuuninta dadweynaha ee Hargeysa. Bile shirkii wuu ka baxay, wuxuuna wacay maamulihii dekadda Berbera, oo uu waraystay geelaas iyo xaalkiisu Meesha uu marayo. Maamulihii dekaddu wuxuu xaqiijiyay Bile in geelaasi Markabka saaran yahay, markabkuna isla habeenkaas u baxayo khaliijka.
Gudoomiye Bile wuxuu maamulihii dekadda u sheegay inuu geelaas markabka kasoo dejiyo oo uu banaanka soo dhigo, inta xaaladiisu dhinac u dhacayso, oo lagu kala baxayo. Maamulihii dekaddu wuxuu ku dooday inay adag tahay in geela laga soo dejiyo markabka, sababtoo ahayd inuu marku buuxay, waqtigii uu dhaqaaqi lahaana ay dhoweyd. Haddii ay noqoto in geela lasoo dejiyana ay qasbayso in markabka waxa saaran badankiisa bannaanka lasoo dhigo, si ay suurto gal u noqoto in geela lasoo dajiyo. Taasina ay dhibaato iyo dib u dhac abuurayso. Gudoomiye Bile wuxuu maamulihii dekedda ku yidhi, "Haddii uu markabkaasi ka dhaqaaqo dekadda isaga oo geelaa sida, dhibaatada ka dhacda adiga ayaa mas’uul ka noqonaya.”
Maamulihii dekaddu wuxuu ka fursan waayay inuu amro in geelii markabka laga soo dejiyo, oo bannaanka lasoo dhigo. Aroornimadii markuu bangigii ganacsigu maqlay in geelii markabka laga soo dejiyay, oo Gudomiye Bile uu arrintii soo dhex galay, ayuu bangigii u dacwooday Gar-yaqaanka Guud ee Qaranka, iyga oo ku doodaya in ay sharci u leeyihiin inay la wareegaan xoolo kasta oo marxuumkii ay lacagta ku lahaayeen u diiwaan gashan.
Gar-yaqaankii Guud oo u hadlaya bangiga iyo Gudoomiye Bile ayaa arrintii ka shiray oo doodi dhex martay. Markii hadalkii muddo laysku cel-celiyay, oo nin waliba sida uu wax u arkayay soo bandhigay, ayuu Gudoomiye Bile markii dambe yidhi: "Haddii uu go’aankaagu yahay in safarkan Somaaliyeed oo qaarkood soo lugaynayeen ilaa Baali, in xoolahooda laga dhaco, oo fara madhnaan la diro, sababtoo ah Marxuumkii dhintay ayuu bangigu malaayiin shilin ku lahaa, go’aankaasi mid soconaya ma aha. Halkan anigaa Gar-yaqaan ka ah!”
Kolkii shirkii lagu kala kacay, ayuu Gudoomiye Bile amar ku bixiyay in geelii lagu wareejiyo nimankii iska lahaa. Nimankiina isla waqtiyadiiba waxay geelii ka iibiyeen nin kale oo tujaartii xoolaha dhoofin jirtay ka mid ah.
Markii dhibaatadii geelii lasoo af jaray, ayuu Sheikh Cabdiraxmaan Barkhadle oo ka mid ahaa kooxdii u doodaysay nimankii geela lahaa yidhi, "Gudoomiye Bile dhowr eedood ayaan hadda ka hor ka tirsanaynay inuusan noo caawinin sidii aan ka filaynay. Laakiin sida lama illaawaanka ah ee uu ugu babac-dhigay bangigii iyo Gar-yaqaankii Guud ayaa na illowsiisay gocoshooyinkii hore oo dhan!”
Eedaha ugu imanayay reer tolkiis, waxay muujinayaan in Gudoomiye Bile uusan go’aanadiisa ku salayn jirin shucuur qabiil, ee uu ku salayn jiray alse kolba sida uu arko inay sax tahay. Malaha arrintaas iyada ah, iyo arrinta kale oo ah inuu Bile Rafle ahaa nin wax qabad ah, oo mashaariic dhaxal-gal ah ka fuliyay meel kasta oo uu kasoo shaqeeyay, ayaa keentay in maanta magaciisa wanaag lagu xasuusto.
Macallinka ugu cajiibsanaa Faarax Oomaar wuxuu
ahaa macallin la odhan jiray Cali Xuseen, oo dhigi jiray Suugaanta. Cali wuxuu ahaa nin gaaban, oo ingiriisi wax
ku bartay, taariikhda iyo sugaanta Somaalidana aad u yaqaana. Waxaan u
malaynayaa inuu ka yimid magaalada Berbera. Labada gabyaa ee uu ugu jeclaa waxay ahaayeen Cali Dhuux iyo Xaaji Adan Af-Qallooc.
Cali Xuseen wuxuu ahaa nin aan loo gali Karin, oo haddaad ku khaldanto gabay iyo suugaan cardaaduqaha kaaga dhigi.
………………..La soco qormada dambe.
Maxamed Heeban < [email protected]> .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!