Taiwan oo Somaliland u Soo Dirtay Hambalyo iyo Ballan-qaad iskaashi iyo Saylici oo ka Hadlay

0
Friday May 22, 2020 - 03:11:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taiwan oo Somaliland u Soo Dirtay Hambalyo iyo Ballan-qaad iskaashi iyo Saylici oo ka Hadlay

    Taiwan oo Somaliland u Soo Dirtay Hambalyo iyo Ballan-qaad iskaashi iyo Saylici oo ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taiwan oo Somaliland u Soo Dirtay Hambalyo iyo Ballan-qaad iskaashi iyo Saylici oo ka Hadlay

Hargeisa(HWN):-Dowladda Taiwan, ayaa dhambaal mahadnaq ah soo gaadhsiiyey Xukuumadda Somaliland, isla markaana sheegtay in labada waddan wadaagaan qiyamka dimuquraadiga iyo madax-bannani u dirirka, sidaa awgeedna ay iskaashi buuxa wada yeelan doonaan, waxaana geesteeda ka hadashay warkaas Somaliland.


Dhambaalka Xukuumadda Taiwan oo lagu soo socodsiiyey Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ayaa lagu ballanqaaday inay si wada jir ah uga wada shaqeyaan wanaaga aadanaha labada wadan.
Madaxweynaha Taiwan Tsai Ingwen iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Abdiraxmaan Sayli'i 2020

Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan shalay ayaa lagu yidhi; "Mahadsanid, Madaxweyne-xigeen hambalyadaada diiran eed u soo dirtay Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, Madaxweyne-xigeenka Md William Ching Telai ee caleema-saarka Taiwan.”

Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa fariinta ay u soo dirtay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Abdirahman-Saylici ku sheegtay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga, iyadoo tidhi; "Taiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiyam dimuqraadi ah, waxaan rajaynaynaa inaan ka wada shaqeyno wanaaga aadanaha.”

Dhambaalka dalka Taiwan u soo diray Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici doraad dhambaal u diray, u dhignaa sidan; "Annigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan hambalo u dirayaa Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, bilaabida xil-gudashadaada labaad adiga iyo Madaxweyne-xigeenkaaga Md William Ching.”

Madaxweyne-xigeen Md Saylici oo dhambaalkiisa ku diray bartiisa Twitter ayaa raaciyey; "Waxaan kuu rajeynaaa guul kasta oo aad ka gaadho shaqadaada. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado wada shaqeynta dhow, si aan u xoojino xidhiidhka labadeena wadan.”

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...