Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo 12 Xildhibaan Xasaanaddii Ka Qaadday

0
Friday May 22, 2020 - 02:07:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo 12 Xildhibaan Xasaanaddii Ka Qaadday

    Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo 12 Xildhibaan Xasaanaddii Ka Qaadday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo 12 Xildhibaan Xasaanaddii Ka Qaadday

Hargeisa(HWN):-Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta xasaanadii ka xayuubiyey 12 xildhibaan, kadib muran sababay gacan ka hadal oo hadheeyay fadhigii golaha.


Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka.


Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah.

Intaas kadib fadhigii golaha ayaa cod xasaanad ka xayuubin ah loogu qaaday xildhibaanadaas oo gaadhaya 12 xubnood, waxayna xubnihii kale ee baarlamaanku ogolaadeen in xaaaanadda laga xayuubiyo.

Xildhibaanadaas ayaa kala ah:
Maxamed Axmed Layli
Axmed Aadan Axmed
Cabdiwali Axmed Faarax
Mahad Xasan Maxamed
Shaafi Cashiir
Nadiir Yuusuf Aadan
Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi
Yuusuf Cilmi Isaaq
Axmed Xasan Nuur
Yuusuf Axmed Xirsi
Nimcaan Cabdullaahi Xamare, iyo
Cabdiraxmaan Curaagte.

Inta badan jidadka iyo xaafaha magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lasoo dhoobay ciidamada Liyu-boolis ah, waxaana jira khilaaf culus oo soo kala dhex galay siyaasiyiinta deegaanka.

Hore siyaasiyiin u badan xildhibaano ayaa xukuumadda Mustafe Cagjar si weyn ugu dhaliilay in baarlamaanka in aanay u madax banaaneyn shaqadiisa, waxaana hore isku casilay afhayeenkii baarlamaanka, kaas oo xildhibaanada maanta xasaanadda laga qaaday ay ku doodayeen in afhayeen cusub loo doorto booskaas, balse xukuumadda ayaa la sheegay inay ka cagajiideyso, in kastoo aan la cadeyn sababta.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...