Maxaa Keenay In Maxkama ICJ Ay Sadex Jeer Diido Codsiga Soomaaliya, Dalabkana Kenya-na Dib Loogu Dhigo Dacwada Badda

0
Thursday May 21, 2020 - 13:17:14 in News by
  • Visits: 1488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Keenay In Maxkama ICJ Ay Sadex Jeer Diido Codsiga Soomaaliya, Dalabkana Kenya-na Dib Loogu Dhigo Dacwada Badda

    Maxaa Keenay In Maxkama ICJ Ay Sadex Jeer Diido Codsiga Soomaaliya, Dalabkana Kenya-na Dib Loogu Dhigo Dacwada Badda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Keenay In Maxkama ICJ Ay Sadex Jeer Diido Codsiga Soomaaliya, Dalabkana Kenya-na Dib Loogu Dhigo Dacwada Badda


Muqdisho(HWN):-Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay talaabada ay maxkamada ICJ mar kale dib ugu dhigtay dacwadii badda ee u dhaxaysay soomaliya iyo Kenya.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Somaliland Ku Hambalyeeyay Guulaha ...


ex madaxweyne Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu jiro tuhun badan oo laga qabo sababta ay maxkamadu sadexdii jeer ee ay dacwada dib u dhigtayba ay u diiday inay aqbasho codsiga soomaaliya balse ay fulisay codsigii dalka Kenya.


ex madaxweyne Guuleed ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-


QADIYADDA DACWADA BADDA.


Tallaabada ay maxkamadda ICJ markii saddexaad dib ugu dhigtay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jira tuhun badan, waana arrin u baahan iney Dowladda Soomaali ka bixiso faah faahin maangal ah, oo ay Shacabku ku qanci karaan.


Inaan saddexdda jeerba la aqbalin codsiga Soomaaliya, oo mar walba ay maxkamaddu u jawaabeyso hal dhinac ayaa sidoo kale cabsi iyo shaki leh, ma Soomaaliya ayaan diidmo muujin, ma maxkamadda ayaa hal dhinac noqotay, ma dadka na matallaya ayaan aheyn kuwii saxda ahaa mise waxaa jira wax kaloo qarsoon, oo shacabka lagala cabsanayo ?!!.


Waa nasiib daro weyn inuu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa wax horumar ah oo muuqda aysan ku kordhin dacwada Badda, oo ah qadiyad qaran oo masiiri ah.


Arrintu labbo ayey mid noqon kartaa in aaney Dowladdu wax dadaal iyo ahmiyad ah aysan siinin arinka dacwada badda, oo hal dhinac ay shaqadu iska wataan ama iney dowladdu ka waddo howlo qarsoodi ah maxkamadda banaankeeda.Si qadiyadda loogu xaliyo hanaan ka baxsan garsoorka. Haddaba mid ay tahayba waa ayaan darro waana wax mugdi galineya xaqa iyo xuquuqda umadda Soomaaliyeed.


Maadaama kiiska loo dhigay bisha March 2021, waxaa madaxda Dowladda Federaalka ah la gudboon iney shacabka u daacad warramaan billaha yar ee u dhiman.


Arrintani waa qadiyad Qaran, mana ahan wax ay dhowr qof isku koobi karaan, sidaa darteed waa in dadweynaha Soomaaliyeed loo daacad hadlaa, hadii kale taariikh xumo ayey dadka qaarkiis xambaarsan doonaan. Qofkuna inta uu xafiiska joogo sida hadalkiisa loo fasiranaayo iyo markii uu berri xilka ka tago waa kala nooc, sidaa darteed madaxweyne Farmaajo waa inuusan fursadda iska lumin.


Guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna waa iney aad u hubiyaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee kiiska Badda. Cabsi xoogleh ayaa noo muuqata mana ahan in la sahashado xaaladdan.


Mahad-badan
Abdikarin Hussein Guled


Loading...
Loading...