Isku Taagtay Kulayle Kabo la'aan Ma Dhaqaaqday ( Abdi-Shotaly?).

0
Thursday May 21, 2020 - 12:47:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Taagtay Kulayle Kabo la'aan Ma Dhaqaaqday ( Abdi-Shotaly?).

    Qore;- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore;- Abdi-Shotaly.

Murti micne weyni ku duugan tahay, baa waxay ahayd " Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye", oo micnaha ku jiraa uu yahay, qofka loo taag waayo, ee sir iyo caad-ba, dul iyo hoos-ba wax loogu sheego, ka bad-badiya sidda Askariga " Xaafad-tooyadda" wax is moodda aanu ahayn, iskana yeel-yeeli karin, aakhirka wakhtiga baa dhoorka ka jara, oo yidhaaha, bal iska kay loodi, wax aanad noqon karin baad isu qaada-taye. Waxan uga socdaa, Askariggii wuu is kanfay, kabash-kabashtii ka dhamaatay, isku taagyey kulayl, dhamac aad u karaysa, intuu guudka ka fuulay, kabo la'aan ma dhaqaaqay, intuu kaar ku dhamaady, xumuhuu kar-saday, ma ku maydhay kor-kiisa, keli maw baxayoo, cidla kaadi ma saydhay, aduunkii ma karbaashay, hadeer saw kurban maayo, kelyaa saw kama boodin, intaan kaadso lahayn, war ka joogso colaadda, nacayb-kuu kayd-sadday baa, kada-loob u xidhoo, kurti way maqantoo, kadabkii ma go'oo, ma soo kuudad-sadoo, dhafoor qiiq ka baxaayo, koloba saaryey gacmaa, karin-tuu iska tuuray, wad-kiisii ma kulmeen, kii qabyaalad ku naaxee, anakaa kob wadaag-na, ku koobnaa arin-kiisu, beenta kiishka ka buuxdda, kar-kaarka ay jebisay, kadeed baa u dambeeyey, askariggii kululaa, imikuu kabti xooray, oo kaasi waa ina daayey,

 

  Illaah ha u naxariisto'e Axmed Ismaaciil diiriye ( Qaasim), Baa waxa ku jirtey maansa-diisii " Kawle" Kawddii habeenimo, xalaan kacay alayl-kiiye, markaa-saan kitaabkii akhriyey, kaahinka ahaaye, Kawlaa u baxay wiilashii, koray daruuraaye, Dhaaxuu nin keliggii tashaday, karin ka duulaaye, mid kuwaas ka dhigan baa jiroo, taagan koda-diiye" Waxa iyana maanso kale, oo uu leeyahay ku jirtey " Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye" Waxa kale oo (Ihun) dhex taal u ahayd, maansaddii qaaliga ahayd ee Ismaaciil Mire " Ragaw kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado" Waxan u soo qaatay hadaba akhristaw murtidda sare ku taala, durduro geel baa ku jabay, dheregu-na dadka wuu uga daraa, halkii uu uga mahad niqi lahaa Eebbe. Waase nin iyo garaad-kiis, oo horaa loogu gabyey " Ayaan daranaa dhul-kaygu, aqoon daranaa dhashiisu, illaahay haduu wax siiyo, ilawsho dhawaa saboolku. Sababta oo ah waa wax aan wax lahaan jirin ama aan xukumi jirin. Kii aan markiisii hore-ba maskaxi ku jirin (goror-na illaah ha ka dhigee), Waa sidda askarta jaahi-liinta ah ee Xaafad-tooyadda " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane" kuwa noocaas ahina, waxay ka qaadaan birin-birqo, siddii naylo barwaaqo gu' jooga.

 

 Muwaadin, Aan kuu soo koobo halka aan maanta u dan leeyahay ee ah, askariga Hargeysa ka nac-nac-leeya, ee ku dhoobaystay qaran-nimaddii Somaliland, hadda bay u dhamaatay, oo wuxu indha-ha iska soo tuuro-ba, ay runtii hor timi, dhegaha loogu dalooliyey " Midi af Weyn" oo Mashqac weyn laga xaluuliyey, khasab uu hadda wax u maqlayaa, sandule-af-goos lagu yidhi ku sii daaya Weriye "Abdi-Malik Musa Coldoon", EU-du ay u qabatay Laba Todobaad, UK ay gebi ahaan-ba ka goysay, dhaqaalihii uu beenta kaga cuni jirey, Amnesty international and World Human Rights  ( waa ururadda u dagaalama xoriyatul-qawlka'e) oo iyana dab ka shiday, haday god-kiisii biyo ugu galeen, meel uu cuskado la' yahay, cidhibtii gam tahay, kuwa la taliya-yaasha ku sheega ah, ee uu u tuuro qanjidh sarceed-kuna, iyana qaar wax dhaama maaha, oo iyaku dhaameelka yar ee sacabka loo saaro baa u dan ah ilayn " Waa biidhi-qatayaale" xalkii wuxu ku dambeeyey " Xagu gebi, Xagu-gebi, Guntu Walac", way is cunatay, isku dhalaashay, meel wax laga soo qabtaana ma jirto, ilayn waa naf waalan, oo intuu noolaaba cuqad qabaye, waa kaa gawaankii hilibka lagu jar-jari jirey is dul saray, ee uu faashkii kor yaalo lagu qali lahaa. Waxan ku soo xidhay "Nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde, waa kaa askariggii dabayl raacay. ee sanka lagaga tolay in uu khasab iyo abaal la'aan ku sii daayo " Coldoon.

* N.B Dhaaxuu Nin Keliggii Tashaday, Karin Ka Duulaaye!

Qore;- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...