"Xukuumaddu Xogogaal Ha U Ahaato Xaalada Adag Iyo Duruufaha Dhaqaale Ee Dalka Ka Jira" Siyaasi Baashe

0
Thursday May 21, 2020 - 10:41:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumaddu Xogogaal Ha U Ahaato Xaalada Adag Iyo Duruufaha Dhaqaale Ee Dalka Ka Jira" Siyaasi Baashe

    Siyaasi Baashe Cali Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Baashe Cali Jaamac

Hargeysa (HWN)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xil wasiirnimo, gaar ahaan soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Biyaha, haddana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay xogogaal u ahaato xaalada dhabta ah ee dalka kia jirta, waxaanu kula taliyey inay sii laba jibaarto wacyigelinta ka dhanka ah xanuunka Koronaha.

 

Siyaasi Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Xaalada nololeed iyo iyo duruufaha dhaqaale oo adag baa dalka ka jirta, dadkeenuna danyar bay u badan yihiin, ee Xukuumaddu xogogaal ha u ahaato xaalada adag iyo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira, oo dadka danyarta ah ee masaakiinta ah ee aan waxba haysan, wax ha u qabato, oo sida dadku u kala jilicsan yihiin wax ha ugu qabato”.

 

Mar uu ka hadlaayey xanuunka Koronaha ayaa uu yidhi "Wacyigelin joogto ah oo la sii laba jibaaro ayaa Xukuumadda looga baahan yahay, in dadka aad loo wacyigeliyo oo aad loogu wacyigeliyo Koronaha iyo halista uu leeyahay iyo qaabka ay iskaga ilaalin karaan ayaa looga baahan yahay inay Xukuumaddu ku talaabsato”

 

 


Loading...
Loading...