Seko (Zakaat) Dheegashadii Sh. Dr Qadhi

0
Thursday May 21, 2020 - 10:15:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seko (Zakaat) Dheegashadii Sh. Dr Qadhi

    W/Q: Axmed-Assad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad


Sh. Dr. Yasir Qadhi wuxuu yidhi: Dadku waa qof xaq loogu leeyahay inuu Sekada bixiyo & mid isagu xaq u leh inuu qaato.



WAA MAXAY NISAAB?
Nisaabku waa halbeeg aad ku garan karto inay seko kugu waajibtay iyo in kale. Reer magaalka waxaa khuseeya 2 seko oo kala ah 

1) HANTI NAQAD AH (Dahab+Qalin =Lacag)
2) GANACSI

Nebigu scw wuxuu yidhi: sekadu waxay kugu waajibaysaa markaad 20 misqaal (85gr = $56x85 =$4,760) oo dahab ah ama 200 oo wiqiyah(595gr =0.57x595 =$339) oo qalin ah  aad haysatid (Waa sarifka maanta May/20/2020 by Kitco.com).


DAHABKA $4,760 & QALINKA $339 KEEBAA LA RAACAYAA? Sheeku wuxuu sheegay in 20 misqaal oo dahab ah iyo 200 wiqiyah oo qalin ahi isku qiimo ahaayeen xiligii nebiga scw. Markaa maadaama hadafka sekadu yahay in masaakiinta la nafaqeeyo waxaa haboon in qalinka oo nisaabkiisu hooseeye laga cabir qaato.


GOORMA AYUU NISAABKU BILAABMAYAA? Marka kowaad waxaad xulanaysaa maalin sannad walba aad xisaabiso hantidaada, tusaale Ramadaan 1, 15 ama 30-keeda oo kale. Maalinta ugu horaysa ee ay $339 ay jeebkaaga soo gasho, ee aan weliba deyn lagugu lahayn ayuu Nisaabku kaaga bilaabmayaa (kuma jiraan deymaha mudada dheer ee haftada loo bixiyo sida ta guryaha, baabuurta iwm haddii kale qof xajka aadi lahaa wuu yaraan lahaa). 


SANADKA NISAABKA
Sanadka Nisaabku waa sanadka Islaamka sidaas darteed ayay dadka badankiisu bisha Ramadaan ugu beegtaan si ay u xusuustaan.


MA IN QOFKU SANADKOO DHAN LACAGTAASI GACANTIISA KU JIRTAABAA? 
Markuu Nisaabku kugu waajibo ($339 = qalinka) ayay taariikhdu kaaga bilaabmaysaa, laakiin marka la gaadho maaalintii aad xulatay ayaad xisaabinaysaa intaad haysato, kadibna waxaad ku dhufanaysaa 2.5% ama waxaad u qaybinaysaa 40, waana isku mid. Tusaale Ramadaan 30keeda hadaad haysato $1,000 x 0.25 =$25 ama $1,000 ÷ 40 = $25 ayaa kugu waajibaysa. Taas macnaheedu waa in la xisaabiyo lacagtii ku soo gashay maalinta ka horaysa maalinta xisaab-xidhkaaga. Hadii kale xisaabtaadu waxay noqonaysaa mid aan lahayn barbilow & bar dhamaad oo u baahan Nisaabo badan.


GANACSIGA SIDEE LOO XISAABIYAA? Lama xisaabinayo wixii aad adigu naftaada u isticmaasho sida baabuurta, guryaha iwm. Markaa wixii maalintaad xulatay beec u yaala ee aad macaash ka rabto ayaad maalintaa qiimaha ay joogaan ku dhufanaysaa 2.5%.


GURI AAN KIREEYAY SIDEE SEKADIISA U BAXAYSAA
? Guri ama gaadhi aad kiraysay Seko gooni ah ka bixin maysid, laakiin kiradiisii intii aadan isticmaalin ee soo hadhay, lacagta aad xisaabisay ee kuu taal bay ku jirtaa.


MASAAJID AMA DHAKHTAR MA LAGU DHISI KARAA SEKADA? Sekada waxaa loogu talo-galay in lagu nafaqeeyo masaakiinta & inta Qur'aanku sheegay, sidaa darteeda sheekhu wuu diiday in dhismeyaal sekada lagu bixiyo.


WALAALKAY, HABARYARTAY IWM MA SIIN KARAA? Haa, dadka kuugu dhaw baa ugu sii ajar badan, laakiin waa in aanay Nisaab-ku ku waajibin iyaga laftooda. Waxaan sidoo kale banaanayn inaad Sekada siiso waalidkaa iyo warasadaada.


SEKADA XOOLAHA IYO BEERAHA sheekhu kamuu hadlin maadaama aanay reer magaalka badankiisa aad u khusayn.


Wixii aan gefay Illaahay ha iga dhaafo, Aamiin

NB: 1- Qiimaha qalinka maalintuu sheekhu duubay iyo maanta farqi weyn baa u dhexeeya.
2- Meelaha qaarkood waxaan ka soo xigtay culimo kale sida Sheekh Imaan Taahir of Saytuna College, CA

W/Q: Axmed-Assad
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...