Ma Dhabaa In La Xidhay Wakiilka Somaliland Ufadhiyay Dalka Kenya?

0
Thursday May 21, 2020 - 10:01:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa In La Xidhay Wakiilka Somaliland Ufadhiyay Dalka Kenya?

    Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil



 

Hargaysa (HWN) Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa ka hadlay warar sheegaya in xukuumada Kenya ay xidhay isaga.


Safiirka Baashe ayaa beeniyay in la xidhay, waxaanu sheegay in warkaasi been abuurka ah ay ka dambayso dawlada Somaliya, isagoo sheegay in dadka Somalidu isaga sharaf ka mudanyihiin, qoraalka wakiilka oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-

 

 

WAR CELINTA WAR BEEN ABUURID AH

 

Reer Somalia Ma Habaar Bay Dan Moodeen!

 

Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo.


Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya,


Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacay xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah.


Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacab iyo dawladd ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa 18th century gii soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay.

 

ALLAA MAHAD LEH.

Loading...
Loading...