'' Distoorkii Ina Cigaal ''.

0
Thursday May 21, 2020 - 09:40:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Distoorkii Ina Cigaal ''.

    Sanadkii 2000 , ayaa laggu dhawaaqay in bisha 5aad ee sanadka 2001 Somaliland lagga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 2000 , ayaa laggu dhawaaqay in bisha 5aad ee sanadka 2001 Somaliland lagga

 qaban doono afti dadwayne oo dadku ugu codayn doono distoorka Somaliland , distoorkaas oo draft kiisa koobaad laggu ansixiyey shirwaynihii 3aad ee beelaha Somaliland 1997 , ka dibna kaabis , wax ka badalis iyo dhamaystirid ay ku sameeyeen labadda gole ee guurtidda iyo Baarlamaanku .

 

Ansixintaai markay dhamaatay , aisla sanadkaas 2001 loo dhaqaaqay furashadda axsaabta siyaasadeed oo ay ugu horeeyeen , Ucid , Udub iyo qaar kale , isla sanadkaas waxaa shirwayne laggu qabtay magaaladda Burco 2001 , waxaana shirkaa ka qayb galay 16 Suldaan iyo Cheif caaqil , waxaana saxeexay 17 , baaqasna waxaa hordhac looga dhigay arrimahan .

 

In Distoorka ina cigaal samaystay oo uu is leekaysiiyey , in xukuumaddu sharciga ku tumatay kuna xud-gudubtay , ugu dambayn waxaa lagga soo saaray go aan odhanaya .

 

1- In xukuumaddu joojiso nidaamka axsaabta kana noqoto xisbigga udub muddo 30 cisho gudaheedda .

 

2- In shirwayne beeleed la isugu yimaaddo .

 

3- In hadii xukuumaddu qodobadaas fulin waydo Golaha salaadiintu dadka isugu yeedho .

 

Arrintaas oo wadanka qalalaase gelisay waxay ku dhamaatay ugu damayn geeridii Cigaal , markii Cigaal dhintay 2002 ayaa dhamaan taageerayaashii baaqyadaasi distoorkii iyo nidaamkii dib ugu soo noqdeen .

 

Baaqaasina wuxuu ahaa mid aan laggu hagaajin maxkamadaha , goleyaasha iyo xukuumadda oo banaan ka fayla , waxaana watay siyaasiyiin caana oo la wada yaqaanay .

 

Hadaba waxaa xusid mudan , in waagaas 2000 ilaa maanta Distoorka la igu xukumaa yahay kii waagaas la ansixiyey oo aan hal qodobna lagga badalin .

 

Dhamaan dadkii Distoorkaa kasoo horjeeday na xukuumadda way soo mareen , qaarkoodna way ku jiraan , distoorkii waagaas ay diidanaayeena way inagu xukumeen , qaarkoodna hadeer inagu xukumaan , hadaba bal maxaa la diidanaa maxaase la badalay.

 

20 sanno ka dib 2000 , 2020 .

 

Waxaa jirta axsaab siyaasadeed oo sharciyeysan , goleyaal sharciyeysan iyo xukuumad sharciyeysan .

 

Baaqyadda ina soo gaadhayana sidda distoorku dhigayo looma gudbinin golaha wakiiladda si ay u noqdaan soo jeedin golaha la hor dhigay oo la midda ta ay soo gudbiyaan xildhibaanaddu , dacwad ahaana maxkamadda looguma gudbinin si dadka soo saarayaa ay uga dacwoodaan waxay ka cabanayaan , xukuumadda xafiisyadeedana looma gudbinin , axsaabta siyaasaddana sidoo kale midna lagguma hagaajinin , baaqyada qudhooda ayaana ah kuwo banaan ka fayla sidii kuwii 2000 oo aan distoorka iyo sharciga midna ku salaysnanayn , waxaanay u muuqdaan uun sidda kuwii waagaas ina soo maray kuwo cid gaari , si gaara ugu muraadsanayso



W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...