Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 28aad

0
Thursday May 21, 2020 - 09:22:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 28aad

    Eedaabta Ciidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eedaabta Ciidda

Waa in aad la timaaddo hab-dhaqan tolmoon oo Alle SWT raalli ka yahay, kaas oo aan ahayn in aad adigu la timaaddo wax naftaada dhib adduun iyo mid aakhiro soo jiidaya. Waxa kale oo la yaab leh in aad noqoto qof haan gunta ka daloosha dhaaminaya.



Haddaad waxqabadkaagii ka dhigto hal bacaad lagu lisay soo adigu ismaad gabogabayn, "ha noqonina sida tii xadhiga ay gelinka hore soohdo, gelinka dambe furfurta.”Alle SWT aayadda wuxu tusaale inooga bixiyey haweenay waxqabadkeegu waxyeello u ahaa nafteeda, taas oo wax ay faa’iidaysaba aan la garanayn.


Maalmaha ciidda waxa dhacda in da’yarteennii ku wada mashquulaan xaflado qoob ka ciyaar ah, oo la leeyahay waxa lagu waynaynayaa maalinta ciidda, taas oo ku soo dhacaysa un tubti haweenaydaa.


Waxa kale oo maalintaa la sameeya macsi Alle SWT lagu caasinayo, sinada ayaa maalinta noqota mid lagu muujiyo farxadda, da’yar hablo iyo wiilal iskugu jirta oo isla kaliyeystay maxaad ka fili aduu.Sidaa darteed waxa habboon in aynnu da’yarteenna ku nidha waar soddon cisho waxa aad soo shaqaysanayseen  halbacaad lagu lisay haka dhigina ee Ilaahinna ka baqaoo is dhawra.


Waxa kale oo jira in maalinta la yidhaa waa maalin farxadeed oo jilbaha ayaa la laabaya ‘qaylaad’.Bal dib cajaladda u celiyo maalintaa lagu sheegay inay tahay maalin farxadeed inta ay inan yar innaga baabisay oo maalintaa farxadda loogu sheegay ka soo noqon waayey oo ku dambeyey mid caqaarta halkaa ka dawarsada xusuuso, adna armaad sidaa ku dambaysa.


Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...