Doorasho ka socota Burundi, xilli uu jiro Coronavirus

0
Thursday May 21, 2020 - 04:30:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorasho ka socota Burundi, xilli uu jiro Coronavirus

    Hargeisa(HWN):-Dadka Burundi ayaa maanta billaabay codeynta doorasho xasaasi ah oo lagu beddelayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Dadka Burundi ayaa maanta billaabay codeynta doorasho xasaasi ah oo lagu beddelayo

Hargeisa(HWN):-Dadka Burundi ayaa maanta billaabay codeynta doorasho xasaasi ah oo lagu beddelayo madaxweynaha mudda dheer dalkaas xukumayey Pierre Nkurunziza, taasi oo imaneysa xilli uu jiro cudurka Coronavirus ee dalkaas uu iska indho-tiray.


Doorashada ayaa imaneysa kadib shan sano oo ah qalaalasooyin ka dhashay isku dayga Nkurunziza uu ku raadinayey in markii saddexaad la doorto, kuwaasi oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, islamarkaana 400,000 ay ku barakaceen.
Burundi

Waxaa la arkayey dadweyne safaf dhaadheer ugu jira goobaha cod bixinta, oo la furay wax yar kadib lixdii subaxnimo, si ay u doortaan madaxweyne, xildhibaano iyo goleyaal deegaan.

Doorashada madaxweynaha ayaa 5.1 milyan oo qof, oo ah cod bixiyayaal diiwaan gashan, waxay kala dooranayaan Evariste Ndayishimiye, oo ah nin uu soo xulay madaxweyne Nkurunziza, hoggaamiyaha mucaaradka Agathon Rwasa iyo shan musharax oo kale.

Inkasta oo Ethiopia ay doorashada u joojisay sababo la xiriira cudurka Coronavirus, Burundi ayaa ku adkeysatay qabashada cod bixinta.

Burundi oo ay ku nool yihiin 11 milyan qof, laguma soo rogin wax xayiraado dhaq-dhaqaaq ah, oo la xiriira cudurka Coronavirus, si ka duwan dalalka deriska la ah.

AFP

Loading...
Loading...