Danjir ( Diplomatic )

0
Wednesday April 10, 2019 - 13:27:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjir ( Diplomatic )

    Macno ahaan iyo eray ahaanba markii aan rogrogay eray diplomatic Waa uu iila eekaaday ( DAN-JIR) oo macno ahaan noqonaysa kii danaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macno ahaan iyo eray ahaanba markii aan rogrogay eray diplomatic Waa uu iila eekaaday ( DAN-JIR) oo macno ahaan noqonaysa kii danaha

ilaalinayey .waxaa kale oo jira dal jir oo ah ninka dalka dibadiisa u joogadanaha dalkiisa



Hadaba , macno ahaan eraygan ( dan-jire ) waxaa loo yaqaanaa qof ka dhexbilaaba dhexdhexaadin ,laba qof , laba dal ee fududeeyain si nabada ah loo wada hadlo lana is hor fadhiisto.lana gaadho qaraan xal ku dheehan yahay laguna dhamaynaayo faraqii u dhaxeeyey, labada dhinac . kaasbaana la odhan karaa DAN –JIR, ama (diplomatic )


Hadaba waxaa aynu odhan karnaa ragii isxilgaamay ee fududeeyeykulanka madaxwaynaha iyo ina geele rag (diplomatic ) aha oo fahmaya nuxurka muranka iyo saamaynta uu ku yeelan karo somalialnd


Ragan dan-jireyaashaa ee qabatay howshan dadka iyo dalka faaiidada uleh ,waxaan uga mahad naqaynaa howshaas ay qabteen , danjire yaal loo qaadanin uun ninka dowlada u matala arimaheeda dibaba ,kaa waxaa la yidhaah dal jire, macno ahaan si aad ufahto, ka soo qaad geel jire , waa kii geela ilaalinayey ee meel kasta u raacayey, markaa ragani waxay ilaaliyeen dantii umada iyo tii dalkaba ,waayo maanta intee shaqaale ah baa ka shaqeeya warshada kookaha iyo ta caanahaba, . dowladuna intee cashuur ah ayey ka qaadaa.


Markaa qof kasta oo laba qof ,urur iyo umad ka dhexbilaaba wada hadal si ay si nabada ah u gaadhaan qararaa is fahan waxaa aynu odhan karnaa waa danjir ,oo danta umada ayuu ilaalinayaa raacaana

Hadab si ay kuugu suurogasho danjirenimadaadu waxaa habon in in aad waxayaabo badan tixgaliso oo ay ka midka yahiin ,

1. Inaad ahaato mid labada dhinacba dhagaysta oo fahma

2. In aad is ka ilaaliso erayada quracan

3. Inaaahaato qof raali galin badan

4. Ha noqon qof faro fiiqfiiq badan ,oo isticmaala erayo adag

5. Hanoqon of garab siiya dhinac

6. Ahow in xaqiiqada u garaaba .


Markaa danjire , dan baad ilaalinaysaaye ogow in aad masuuliyad adigu isa saaratay oo aad xilkaas u badheedhay, markaa ogow danjire waxaad dhaantaa kuwa xaga xun arinka ka eegaya ee qaraka ka sii tuuraya ,markaa arinkaas aad fududayseen waxaa bilaabmay jidkii loo mari lahaa ismaaciil cumar geele iyo dowlada jabuuty ,waxaanu qaadandoonaa mudo xalintiisu,


Gabogabdii

Dan jire waa wax aynu dhaqan ulahayayn una soolahaan jiranay . laguna yaqaan dhaqanka somaalida ,imsa ayaa maanta lacagi kaga baxday mihnadan danjirenima , nin isaga oo aan baran ayuu garanyaa danjirenimad ,markaa waxa aynu odhan karnaa danjirenimadu waa hibo illahay bixiyo, imisa ayaad taariikhda ku haysaa oday yar adhi raacanaaya oo laba beelood oo is khilaafay arikoodii kala tuuray ,

By: khadar adam aw muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...