Bal Qabarkan iyo Qadarkan idinku Akhriya.
Hargeysa: "Waxaan Ahay Marxuunka Dhintay Alle ha u Naxariiste Walaashii. Markii uu walaalkay ku jiray cisbitaalka wuxuu Noqday Bilaa Oxygen, cisbitaalka Oxygen mataalo, waxaanu Oxygen u dirsanay Qaws intaanu Gaadhi kaxaysanay, markaanu soo Helnay Oxygenta waxaanu doonanay ninkii ku xidhi lahaa, waanu waynay, Day day kedib Dirqi ayaanu ku soo helnay, markaanu soo helnay ayuu nagu yidhi oxygenta aad sidataan Qalabkii lagu xidhayey maleh, Dib ayaanu u yaacnay waanu soo qaadanay. (Dhimay)
Waxaa lay yidhaa Liibaan Maxamed Daahir waxaan ahay marxuunka geeriyooday ee lagu sheegay xanuunka Covid19 walalkii.
Walaalkay markuu geeri yooday wax talo bixin ah oo Dhakhtarka Nalaga siiyey ma jirto.
Qolada Dhakhtarka waxaanu waydiisanay Umbalance aanu ku qaadano maydka, wuxuu nagu yidhi Umbalance yadayadi way jajaban yihiin. Gaadhi ayaan ku qaadanay Maydkii waxaanaanu gaysanay Gurigii.
Waxaan go'aansanay in walaalkayo loo Aaso Qaabka loo Aaso Dadka uu xanuunkaas Covid19 uu dilo.
Si aanu u bad baadino Qaraabadayada, Xigtadayada, Jaarkayaga, Eheladayada iyo Dhamaan Umada Somaliland oo dhanba.
Waxaanu dhakhtarka ka soo doonanay Qalabkii (Dharkii) inta Aasaysay ee Iilka dhigaysaa xidhan lahaayeen. Qoladii Dhakhtarku waxay nagu yidhaahdeen Waanu iibinaa Qalabkaas.
Waxaanu ku nidhi naga Iibiya waxaanay naga siiyeen 294 laba Boqol sagaashan iyo Afar.
(Xiliga ay Arintan dhacday waa: xili lahayey 3 milion dollar, Dawladuna ay heegan ugu jirtay la tacaalida xanuunka Covid 19.)
Bal waataase meel ay salaadu ka xidhmi la'dahay Garo.
Sawirkan Hoose waa marxuunkii u geeriyooda Covid19 Somaliland waana kan aan arintiisa idinla wadaagay.
![]() |
Qore: Ismaaciil Cali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!