Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 27aad

0
Wednesday May 20, 2020 - 10:30:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta W/Q: Sh. Cabdirisaaq Rakuub Qaybtii 27aad

    Axkaamta iyo Eedaabta Ciidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axkaamta iyo Eedaabta Ciidda

Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo in uu soo gutay waxqabadyadii la faray.Waxa mudan in aynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray.


Ugu horrayn waa in aynnu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxana ka mid ah:-


  • Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah.
  • Waa laba rakcadood.
  • Rakcadda hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku
  • Rakcadda labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo tuusaya (khilaafna waa ku jira).
  • Khadbaddu salaadda way ka dambaynaysa.
  • Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale.

 

Sida oo kale waxa xusid mudan labada ciidood in midna salaadda la dedejiyo midna dib loo dhigo. Salaadda ciidda Fidriga lama dadajiyo oo qofku isaga oo sii quraacday ayuu tegi karaa, oo sakaatul Fidrigiina iska sii bixiyey, halka salaadda ciidda Adxaha loo dagdagayo sidii wax loo qali lahaa, sida darteed ayaa loo dadajiya salaadda.


Waxa sida oo kale mashruuc ah in la tarkbiiro (Alle la waynneeyo) maalmaha ciidda, khaas ahaan ciidda Adxaha iyada saddex cisho ayaa la akhrinayaa takbiirta.Saxaabadu suuqyada ayey ku takbiiri jireen.waxa kale oo yadna xusuusin mudan in takbiirta la akhrinayaa ay tahay ta ka sugnaatay Rasuulka CSW, ee Saxaabaduna akhrin jireen.

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

 

Email: [email protected]

 

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

 

SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...